220 Arday oo ka Qalinjabiyey Jaamacadda Burco

Burco(SLpost)-Arday tiradoodu dhan tahay 220 ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Burco. Munaasibadda qalinjabinta oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda magaalada Burco ee xarunta gobolka Awdal ayaa wax aka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Togdheer, Maamulka degmada, macalimiin iyo waalidiinta ardaydan qalinjabinaysa.

 

Ugu horayn guddoomiyaha jaamacadda Burco Prof Saleebaan Dirir Axmed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay tirade ardayda ee jaamacadda ka qalinfullay iyo waaxaha ay kala barteen, waxaana uu mahadceliyay cid kasta oo kala qaybqaadatay in ay soo saaraan midhahaa qiimaha leh.

Halkan ka daawo masuuliyiinta ka hadlay iyo qaabka madasha oo Muuqaal ah:

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office