21 wiil oo dhallinyaro ah kuna Eedaysnaa Kufsi-wadareed oo xukun dheer oo ah 5–10 sano inta udhaxeysa Maanta lagu riday

Hargeysa ( SLpost) Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta inka badan labaatan wiil oo ku Eedaysnaa kufsi-wadareed ay kula kaceen Laba Hablood oo Reer Hargeysa ah ku ridday xukunno dhaadheer oo u dhexeeya toban sano ilaa shan sano.

Kufsigan oo dhacay intii lagu gudo jirey Bishan barakaysan ee Ramadaanta  dacwaddiisuna ka socotay maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa Guud ahaanba Maanta la soo gebagebeeyey xukunkiina si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Kooxdan dhallinyarada ah  ee Kufsiga ku eedaysnaa tiradooduna dhamayd 21-qof, ayaa  labaatan ka mid ah ay maxkamadu ku  xukuntay min Toban sano oo xadhig ah, halka ka tobnaanda ay ku xukuntay shan sano oo xadhig ah.

download (1)

Xukunkan oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Dhago-dhago, ayaa uu sheegay inay kiiskan u hayaan caddaymo badan iyo markhaatiyaal, islamarkaana  ay muddo ay baadhitaanno waddeen ka dib maanta soo Af-jareen.

Kulankan oo ay qaar ka mid ah warbaahinta ahi Goob-joog ka ahaayeen, ayaa ahaa mid aad u xaasaasi ah, waxana markii uu dhacay ka dib dad badan oo maxkamadda ku sugnaa u muusoodeen muddada dheer ee lagu riday wiilasha dhallinyarada ah ee arrinka  ku eedaysnaa.

Waa kooxdii ugu badnayd inta la ogyahay ee muddo kooban lagu xukumo xukun sidaas udheer, waxana arrintani ay aad u kicisay shucuurta shacabka reer  Hargeysa oo  aad uga nacay kufsi-wadareedkan caynkaas oo kale ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa