Iyadoo ay muddo 21 sanadood ah ka soo wareegtay markii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda , wadamada deriska, beesha caalamka iyo xitaa dalkii aynu kala noqonay ee somalia-na ay ka markhaati kaceen waxyaabaha ay umadda reer Somaliland qabsatay mudadaas, sida Nabadgelyada, dhismaha dawladeed, qaadista dhabbaha dimuqraadiyadeed iyo horumarinta madaxa banaan ee dhinacyada arimaha bulshada ayaa qormadan waxaynu wax kaga xusaynaa waxyaabaha u muuqda inay Somaliland u hirgaleen iyo waxyaabaha weli qabyada ka ah.
Sawir guud hadii aynu ka bixino waxyaabaha qabsoomay waxaa ka mid ah:
Nabadgelyada oo salka loo dhigay inta badan dhulweynaha Somaliland, xilligana lagu hawlan yahay sidii loo xallin lahaa xiisadda dhanka bariga ka sii jirta.
Dhismaha dawlad sal adag, aasaaska Ciidan qaran iyo hub ka dhigis iyo dhaqan celin lagu sameeyey maleeshiyaadkii beelaysnaa.
Somaliland waxay ka guurtay nadaamkii Qabaliga ahaa.
Guulaha somaliland ku talaabsatay waxaa ka mid ah aftidii dastuurka sanadkii 2002 oo ay u codeeyeen 98% dadkii codkooda dhiibtay.
Qaadista dhabbaha dimuqraadiyad ku dhisan tartan, isu tanaasul iyo aqbalaad natiijooyinka ugu dambeeya.
Aaasaaska nadaam dawladeed oo ka kooban hay’ado dastuuri ah oo uu hagayo qaanuunku.
Millateriga iyo noocyada kale ee Ciidamada qalabka sida oo siyaasadda banaanka ka ah.
Furitaanka ururo siyaasadeed oo ay ka soo baxaan axsaab Qaran kuwaasoo u tartamaya xubnaha golayaasha dawladaha hoose, kuwa Qaran iyo hogaaminta xukuumadda.
Hirgelinta doorashooyin kala dambeeyey oo labo ka mid ahi heer Madaxweyne ahaayeen.
Qaab dhismeedka dawladda Somaliland ee Madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, Golayaasha wakiilada iyo guurtida iyo Maxkamadda sare oo muujinaya in awoodda dalku tahay mid taladeeda la wada leeyahay una siman tahay dhinacyada siyaasadda ee dastuuriga ah.
Somaliland waxaa laga hirgeliyey nadaamka saxaafadda xorta ah.
Dalkan waxaa ka hirgalay xoriyadda siyaasadeed ee Muwaadinka oo ay ugu horayso xaqa uu u leeyahay inuu muwaadinku wax dooran karo lana dooran karo isla markaana dareenkiisa ku muujin karo si waafaqsan qaanuunka dalka u yaalla.
Somaliland waxay leedahay xuduuo la yaqaano, lacag u gaar ah iyo baasaboor lagu tegi karo wadamada qaarkood.
Somaliland waxay xidhiidh la leedahay wadamada caalamka gaar ahaan dalalka deriska marka laga reebo Somalia, waxayna wakiilo u joogaan ilaa 15 wadan oo dunida ah, halka ugu yaraan lix dal ay Caasimadda Hargaysa ku leeyihiin xafiisyo u qaabilsan danahooda mandaqadda.
Somaliland waxay gaadhay meel aanay gaadhin 22-ka wadan ee carbeed, marka laga hadlayo dhinaca Xoriyadda siyaasadda iyo dimuqraadiyad ku dhisan qayimkeena, waxaana gacmaha shacabka reer Somaliland ku jira waxa ay u mudaharaadayaan malaayiinka carbeed sida xoriyada cibaadada iyo in qofku sheego cidda ku hogaaminaysa siyaasadda.
Somaliland waxay noqotay marinka dimuqraadiyaddu ka soo gashay kagana fidday qaaradda Afrika (Waxaa la odhan karaa hadii wadamada qaarkood ay dunidan ku haystaan awoodda diidmada qayaxan ee VITO-ga, qaar kalena ku haystaan horumarka wershadaha ee ay gaadheen sida wadamada G8, dalal kalena ay koboca dhaqaalahooda ee isa soo taraya ku doonayaan inay kula wareegaan hogaaminta caalamka ee mustaqbalka dhow sida China, Turkey, India, Russia, Indonisia, malaysia iyo Brasil, sidoo kalena ay jiraan wadamada shidaalkooda cunaha ku haya caalamka sida Iran, saudi Arabia, Nigeria, Vensuella iyo mar kale Russia, Somaliland dhankeeda waxay dunidan gaar ahaan qaaradda madow ku hogaaminaysaa nadaamka dimuqraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay, waxana ay tartanka Final-ka ee xafidaada booskeeda ay kula jirtaa wadanka cidhifka kale kaga yaalla qaaradda ee Ghana.
Somaliland waxay qayb ka qaadataa hawlaha gobolka ka jira sida la dagaalanka budhcad badeeda, hakinta HIV iyo hoos u dhiga Polio.
Somaliland waxay xubin sharaf ka heshay urur goboleedka Igad.
baarlamaanka Somaliland waxuu si joogto ah uga qayb galaa shirarka baarlamaanada adduunka, kuwa heer qaaradeed iyo kuwa heer gobol.
Somaliland faraha kamay laaban arimaha dibadda balse waxay door ku lahayd heshiiskii mandaqadda qiimaha weyn ugu fadhiyey ee ay wada gaadheen 80 % Ururkii ONLF iyo dawlad deegaanka soomaalida itoobiya oo ay weheliso dawladda dhexe ee itoobiya.
Somaliland waxay taageero bani’aadanimo gaadhsiisay dadkii ku tabaaloobay abaarahii macaluusha dhaliyey ee sanadkii tegay ku dhuftay Gobolada Koonfureed ee dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.
Mudadaa aynu ararta maqaalkeena ku xusnay waxaa kor loo qaaday dhaqaalaha dalka guud ahaan waxaana si madaxbaan loo abuuray shirkado ganacsi oo heer caalami maraya sida isgaadhsiinta iyo xawilaada lacagaha, waxayna Somaliland noqotay meesha laga helo qiimaha ugu jaban ee dhanka taleefoonada, sidoo kalena waxaa la baahiyey adeega internet-ka oo lagaga maarmay nadaamka qadiimka ahaa ee Boostooyinka, waxaana Shirkadda TELESOM ay safka hore kaga jirtay qorshe shirkadaha isgaadhsiintu mudadii 10 sano ahayd ee u dambaysay ay ku soo af jareen baahidii isgaadhsiineed ee Somaliland miyiga iyo magaaladaba. xilli ay shirkadda xawilaada iyo kaydinta lacagaha ee DAHABSHIIL ay kaalinta koobaad ka gashay qiimayn dhowaan lagu sameeyey Kombaniyada lacagaha xawila ee caalamka oo dhan, waxaana xafiisyada DAHABSHIIL laga helay ilaa 180 dal oo dunida ah.
Waxaa hirgalay tacliinta sare waxaana la unkay jaamacado iyo Machado la siman, waxaana la habeeyey bilicda dhismayaasha magaalooyinka.
Waxyaabaha weli Qabyada inaga ah
Xallinta tabashooyinka beelaha bariga Somaliland iyo maamul u daadejintii xuduudaha bari ee dalka.
Dhiirrigelintii wax soo saarka dalka ee bad iyo berri leh, si loo helo isu dheellitir ku saabsan cuntada aynu u baahan nahay, inta aynu gudaha ka soo saarno iyo inta aynu dibadda kala soo degno.
La xisaabatanka hay’adaha samafalka kuwaasi oo noqday umad inaga kharash badan oo dusheena ku nool. (NB/ Qormo dambe ayaynuu gaar yeeli doonaa hay’adaha samafalka)
in la abuuro kalsoonida maalgashiga shisheeyaha, gaar ahaan dhanka soo saarka kheyraadka dalka oo uu ugu horeeyo shidaalku. taasoo soo afjari lahayd mushkiladda inaga haysta dhinac kasta sida shaqo la’aanta dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxaya.
dawooyinka dalka la soo gelinayo oo aan marin kaantaroolkii loo baahnaa.
Qorshe lagu waajahayo korodhka taranta dadka adduunka iyo gaar ahaan ta Somaliland oo aan la dejin.
fadhiyaasha Golayaashii dawladda oo lagu soo koobay caasimadda iyo shaqaalaha dawladda oo 90% caasimadda ku sugan arimahan oo culays dadweyne ku keenay Magaalada Caasimadda, shaqo la’aana ku keenay Gobolada.
NB/ la soco qormada hay’adaha Samafalka ee Cinwaankeedu yahay Qawda maqashii waxna haw qaban.