20 Su’aalood oo Khuseeya Qadiyadda Somaliland

Feker

Way adag tahay in bulshada lafahamsiiyo khatarta  cudurka Aids-ka, faafistiisa iyo hababka loo kala qaadi karo haddii la is yidhaahdo afka ka dhawra erayadda qadhaaq ee dhaqanka Somaliga aan caadada u ahayn in si qeexan afka loogu balaadhiyo. Qadiyadda Somaliland ka hadalkeeda ayaa sidoo kale  waxay ku qasbeysaa qof jecel iyo mid neceba in la is weydiiyo su’aalahan adag oo kale:

  1. Halkee Somaliland maanta mareysaa ka dib 20 sano ku dhawaaqistii madaxbanaanideeda – xag dhaqaale, siyaasad iyo bulshaba?
  2. Halkee bay hiigsaneysaa inay gaadho-5, 10, 20, 30 soo socda?
  3. Sideese u dhaadheysaa halkaa ay hiigsaneyso?
  4. Saddexdan baahiyood ee soo socda keebaa ugu mudan  in Somaliland hesho oo xooga saarto maanta :

a)      Aqoonsi caalami ah

b)      Horumar dhaqaale

c)      Hoggaan & maamul karti leh

  1. Maadaama Somaliland ku guuleysatay inay arimahan qabsato:

a)      nabadgelyo joogta ah mudo 20 sanadood ah,

b)      maamul iyo kala dambeyn,

c)      dastuur afti loo qaaday,

d)     doorashooyin iyo dimuqraadiyad hanaqaaday

e)      lacag u gaar ah

f)       Baasaaboor ugooni ah

g)      Calan ugaar ah

Haddaba maxay Somaliland  beesha caalamku uga weyday aqoosi ilaa hadda?

  1. Koonfurta Somaliya dawladihii isaga dambeeyey iyagoon arimahaas Somaliland qabsatay awoodi kari waayey oo fawdo iyo dagaal ku jiray 20 kaa sanadood, waa maxay sababta caalamku ugu heelan yahay ee u barbar tagaan yihiin mudnaan iyo tixgelin badana usiinayaan Somaliland-na looga warwareegayaa?
  2. Somaliland aqoonsi la’aanta waxay la wadaagtaa ilaa 12 dal oo kale oo aduunku aanu aqoonsan ilaa hadda. Haddaba waa maxay mishkiladda ay kawada simany yihiin qaramadan aan la aqoonsani ee caqabda ku ahi?
  3. Caalamka inay Somaliland aqoosi buuxa ka hesho miyuu ku xidhan yahay heshiis iyo wadahal ay la gasho koonfuta Somaliya?
  4. Somaliland maddaxdeedu waxay ku celceliyaan inay walaalohooda koonfurta Somalia ay la xaajoon doonaan marka ay koonfurta yeelato dawlad adag oo hanata dhamaan dhulka koonfurta Somalia .Haddaba Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa :

a)      inay la xaajooto dawlad daciif ah oo taag daran oo koofurta Somalia in yar ka xukunta?

b)      Mise inay la xaajooto dawlad adag oo ciidan xoogan, dhaqaalaheedu dhisan yahay, maamul iyo kala dameyn leh, oo koonfurta Somalia oo dhan gacanta ku dhigta, aqoosi buuxa oo caalami ah wadata?

  1. Somaliland waxaa wada dega beelo kala duwan –beesha dhexe iyo beelaha darafyada- waa maxay sababta ay beesha dhexe had iyo jeer iyadu isaga xigsiineysaa ee keligeed tuurta ugu sidato Somaliland?  Ma dan baan ugu jirin beelaha kale in Somaliland wax noqoto?
  2.  Beelaha wada degga Somaliland haddii aanay uwada mideysneyn uheelanaanta Somaliland gacanna kawada geysan helitaanka qaran buuxa, suuragal matahay in beel keliye xilkaa iyadu qaado inta kalena wax u yeedhiso uun?
  3. Dagaalkii lala galay keli taliyihii Siyaad Barre, sidee u arkaan beelaha darafyadda Somaliland; ma wuxuu ahaa dagaal Somaliland xornimadeeda loogu soo celinayey, mise dagaal lagu ridayey nidaam daalin ah oo beel ku gaar ah?
  4. Makula tahay in uu weli dambeeyo dagaalkii Somaliland lagu xoreynaayey ee koonfurta Somalia lala geli lahaa?
  5. Haddiii koonfurta Somalia dawlad adagi ka soo baxdo, oo Shabaabka laga takhaluso siday hadda ku socoto, suuragal ma tahay in talaabada xigtaa tahay in dawladdaasi isku soo baahiso Somalia inteeda kale ilaa xataa Somaliland soo farageliso?
  6. Midowgii iyo is raacii Somaliland iyo Somalia 1960 malagu tilmaami karaa inuu ahaa sharci daro maadaama dadka reer Somaliland aan afti lagu weydiin ku biiristii inay raali ka ahaayeen iyo inkale marka hore?
  7. Maamulk goboleedyada kusoo badanaaya Somalia saameyn intee le’eg ayay ku keeni karaan qadiyadda Somaliland.Dani ma ugu jirtaa Somaliland soo badashadoodu mise waa caqabado kale oo xagal daacinaya qadiyadeeda?
  8. Makula tahay reer koofureedku intay isu yimaadaan inay odhan doonaan  Somaliland xaq bay u leeday inay xoriyadeeda la noqon karto oo ay ka go’i karto Somalia inteeda kale ?
  9. Markaad eegto siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland gaar ahaan ictiraaf raadintu miyaanay u muuqan had iyo jeer mid aan lahayn istaraajiyad cad kuna xidhan hadba wasiirka ka madaxda ah fikirkiisa iyo  sidii isaga ay ula ekaato inuu u raadiyo?
  10.  Dadka shicibka ah ee reer Somaliland waxaa xukuumadihii talada dalka isaga kala dambeeyey ku dawakhiyeen ictiraaf, ictiraaf ictiraaf ilaa ay soo gaadheen  heer ay niyad jibiyaan dadweynaha. Haddaba Somaliland miyaanay waxay qabsan karin bilaa ictiraaf, miyaan horumar dhaqaale iyo mid siyaad  iyo mid bulsho ku guuleysan karin haddii aanay aqoonsi helin?
  11. Makuu muuqataa in haddii sidan lagu socodo bilaa istraatiiyadda iyo bilaa qorshaha ah in dalku aanu hore iyo dib toona usoconeyn oo ay xaaladiisu noqonayso uun markabkii bilaa raadaarka ahaa ee bedweynta dhexdeeda ku meeresaynaayey?

Kajawaabista su’aalahan waa hubaal inay kuu iftiimin doonto sidii loo fahmi lahaa caqabadaha hortaagan qadiyadda Somaliland iyo sidii xal wax ka tara loogu heli lahaa dhibaatadda maanta haysata.