20 Qof Oo Ku Dhaawacmay Weerar Lagu Qaaday Xeebta Liido Ee Muqdisho

Muqisho(SLpost)-Ugu yaraan 20 qof, ayaa ku dhaawacantay, iyadoo tiro aan ilaa hadda la hubinna ay ku dhinteen weerar qaraxyo iyo rasaas isugu jiray, oo lagu qaaday maqaayadda Beach View oo ku taallay xeebta Liido.

140711102901_xeebta_liido_640x360_bbc_nocredit

Weerarka ayaa la xaqiijiyay in uu ku bilowday kadib markii rag hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 7 ay dhinaca xeebta ka soo galeen, oo rasaas ku bilaabeen macaamiisha ku cawaynaysa maqaayadda.

Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay iridka mid ka mid ah maqaayada Beach View ee xeebta Liido kadib rasaasta dhinaca xeebta. Waxaa ka mid ah dadka booqda siyaasiyiin, qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.