19-kii November 1989: 27 Sanno ka hor iyo Sooyaalkii Taariikhda Kornayl Jidhif Ee jidkii nabadda Somaliland

Hargeysa ( Slpost.net)-  Kornayl maxamed xasan( Jidhif ) oo ka sheekeyey Taariikh uu  u soo joogay 27sannadood ka hor waxay ahayd maalintii la furey jidka Nabadda Somaliland, ka dib markii ay xoogagii ururkii SNM ee ku sugnaa xeebta galbeed ee Somaliland u soo gacan galeen 117 arday oo reer Somaliland ah gaar ahaana deegaamada gobolada Awdal iyo Selel oo lagu soo daadiyay xadka meesha la yidhaahdo Geestiir ay sii daayeen, iyada oo ujeedada laga lahaa ardaydaasina ahayd sidii loo sii hurin lahaa colaada u dhaxaysa beelaha Somaliland. Ciidankaasi SNM ee halkaasi ku sugnaa ee loo soo gacan geliyay ardaydaasi waxa taliye u ahaa General Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif). Haddaba arrintani oo aanu ka waraysanay General Jidhif waxa uu yidhi. “Waxay ahaayeen 117, boqol rag yihiin 17-kuna hablo yihiin, waananu sii daynay oo aanu ku celinay Djibouti” ayuu yidhi. Hase yeeshee, isaga oo sii faah-faahinaya waxa uu yidhi. “Waxay ahayd November 19, 1989 annaga oo joogna Geestiir oo Boorama u jirta 100km markii ilaa todoba baabuur oo xamuulka qaada ahi ay arday 117 ah ku soo daadiyeen xuduuda baabuur ay soo kireysatay safaaraddii Somalia ee Djibouti”. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Safaaraddu waqtigaasi waxay u tagtay Xasan Guuleed waxay ku yidhaahdeen SNM waxay ka soo baxdaa Djibouti.

jidhif

Waxaanu ugu jawaabay “Anigu ma garanayo ee idinku raadsada” Markaa ka dib waxay iclaamisay inay scholarship u direyso wadamada France, Maraykanka iyo Ingiriiska iyo Masar oo la siinayo ardayda Soomaaliyeed, markaa ka dib ardaydii CV-yadii ayay geysteen shuruudu waa inuu Samaroon noqdo. Maalin isniin ah ayay ku yidhaahdeen berito ayaad tegaysaan’e soo diyaar garooba, alaabtii ay ka reebeen, ka dibna baabuur ay soo kireysay Safaaradu ayay ku soo qaadeen, sidaasi ayayna Geestiir ku keeneen. Markaa ka dib lama geynin Lawyacado oo ah halka laga baxo lagana galo Djibouti, sababta oo ah waxa gacanta xilligaasi ku hayay ciidamada Dawladda Soomaaliyeed, suurto galna oo waxay ka horimanaysay ujeedadii loo soo qaaday, balse waxa la geeyay halkii SNM-ta lagu ogaa oo ah Geestiir, si markaa ay SNM u layso una xasuuqdo.jhy Ninka Idiris Xasan Diiriye oo Samaroon ah oo BBC-da u shaqeeya ayaa Barnaamijka Focus on Africa (Afrika ku waajahan) ayaa la weydiiyay masiirka dadkaa SNM loo geeyay, waxaanu ku jawaabay “Waa la xasuuqayaa” waqtigaasi oo ahayd isla maalintii la keenay. Ardaydii way noo yimaadeen iyaga oo baqaya waanu soo dhaweynay waqti xilli qado ah ayay ahayd, hilib ayaanu u qalnay waanu sooryaynay, waxaan arkay iyaga oo ay cabsiyi ka muuqato, isla markaana cuni kari la’ raashinka rajo la’aana nolosha ka qaba oo rumaysan in la layn doono. Markaa ka dib waan la hadlay waxaanan ku idhi “Waan idin celinayaay’e raashinka hore u cuna”. Sababta oo ah waxaan ogaa inay arroorta dawladdu na soo weerarayso, markaa waa in aan celiyaa inta habeenimada ah, sidaasi darteedna 27 nin oo wata qoriga BKM-ka la yidhaahdo oo caddo shan iyo tobnaad ah ayaan raaciyay oo sii lugeysiiyay, waxaanan qof walba oo ka mid ah sii siiyay kabo isbeer ah haddii kuwiisu ka go’aan. Waxa kale oo aan helay niman ka mid ah jabhadda oo dariiqa yaqaana waxaan ku idhi subaxa ayaad gelaysaan dooxa xunbuli, qoryahana xuduuda ku aasta, maalintiina seexda dooxa xunbuli habeenimadana ka soo baxa, askartaa waxaan faray marka qof waliba yidhaahdo gurigii waan garanayaa sii daaya. Ardaydii waxay tageen gurayhoodii oo tacsi loo fadhiyo. Ardaydii markii ay guryahoodii tageen, waxay sheegeen in rag wadeen, ehelkoodiina halkii ay joogeen raggii aan ku daray ayay ku yaaceen, way kaxeeyeen, way casuumeen muddo 7 maalmood ah ayayna casuumadaasi ka dhammaan, waxay soo siiyeen hadyado badan, nimankii oo naaxay alaab badana sita ayaa nagu soo noqday, halkaasina waxa ku fashilmay ujeedadii laga lahaa soo tarxiilka ardaydani. Halkaasina waxa ka dhashay isu-soo dhawaansho dhexmaray dadkii nidaamka dawladdu ku kala eryeysay ee ay qolana dawladda kaga dhigayeen qaarna ku laynayeen ee hub iskugu dhiibka ahaa. Waxa kale oo xusid mudan, haddii ay ciidamada dawladdu subaxda ku soo weerari lahaayeen haddii ay ardaydaasi qabtaan SNM bay u tixgelin lahaayeen oo way layn lahaayeen, waxaanay odhan lahaayeen SNM baa laysay ardaydii, balse taasi uma ay suurto gelin waananu ka digtoonaanay.