18-ka May Maalin Ku Xusan Quluubta Dadka Reer Somaliland !

Sanad walba bishiisa 5aad 18keeda waa maalin ku xusan quluubta iyo caqliyada dhaamaan shacbi waynaha Somaliland yar iyo weynba, 24 sano ayaa kasoo wareegtay maalintii magaalada burco lagaga dhawaaqay gooni isku taaga qarankani Somaliland

Hadaba maxay bishan may 18 keedu inoogaga duwan tahay maalmaha kale ee sanadka, Waa maalin ka duwan dhamaan bilaha iyo maalmaha kale ee ku jira sanadka intiisa kale, Waa maalin dareen iyo shucuur gooni u leh dhamaan dadka reer Somaliland, Waa maalin yididiilo , dhiiri galin iyo weliba horumar u horseeda dadka reer Somaliland

Sidoo kale Waa maalin dadka reer Somaliland iyagoo isku duuban ciidan ahaan , iyo shacbi ahaan ay ku wiirsadaan cadawgooda, maalin dadka reer Somaliland dib u xasuusisa dhibaatooyinkii dhimasho iyo dhaawacba lahaa ee loo soo maray qaranka taaba qaaday

Isla jeerkaasna waa maalin ay farxad iyo badhaadhe u tahay dhamaan shacbi weynaha Somaliland isla markaana dareensiisa in ay wado marin karaan cid kasta oo isku dayda faro galinta qaranka tisqaaday ee Somaliland
hadaba iyada oo intaas oo dhami jiraan ayaa su,aasha meesha taalaa tahay maxaa inagala gudboon shacab iyo dawladba?

Aan ukala horaysiiyo sida ay inoogu kala muhiimsan yihiin isla markaana ahmiyadoodu u kala badantahay.

 

  1. Waxa mar walba mudan oo inagu waajib ah shacbi waynaha iyo dhamaan ciidanka qarankan oo iskaashanaya in aynu meel iga soo wada jeedsano cid kasta oo carqalada iyo mushkilad ku noqon karta nabad aynu kusoo nabad caano maalay ahna ta aynu maanta ku naaloonayno
  2. In aynu is dareensiino isla markaana weynayno maalinkan qiimaha gaarka u leh shacbi waynaha reer Somaliland
  3. In aynu hore uga sii socono isla markaana geediga aynu hore u wadno si aynu ula tartano umadaha kale ee horumaray isla markaana dib iskugu noqono in maalinka iyo sanadkii hore bishan , iyo weliba maalinkan oo kale aynaan isku meel taagnayn xaga horumarka
  4. In aynu beesha caalamka tusno in marnaba aanay suuro gal ahayn in mar labaad lala midoobo dalka taagta daran ee Somalia , oo ay tahay mawqif kasoo go,ay shacbiga reer Somaliland

 

Xamda luul
xamda.xaashi@gamil.com