SHIRKA MIDEYNTA SOMALILAND IYO SOMALIYA
QORMADII LIIBAAN XAJI FAGADHE 03/04/2013
HADBA GEED ISMARISBAA UHADHA, GUUL DAD LEEYAHAYE
MIYAAN GEEDI-BAABOO ARLADU , GELINBA WAAYEYNIN.
Akhristayaasha qiimaha iyo qadarinta mudanow, ha qayayaabin, ha qoomamoonin, hana qaracmin kolkaad deymooto cinwaanka qormadu sida uu u qoran yahey wuxuu qeexayaa qolqolkey gogoshu taalo iyo qoomka Turkigu sidey u qiimeeyeen kulankan lagu dhawaaqey ee u dhaxeyn doona Somaliland iyo Somaliya.
Farqiga u dhaxeeya dhexdhexaadin iyo heshiisiin/midayn:
Dhexdhexaadin waxay timaadaa kolka cid is heysa ay qolo sadexaad oo labada dhinacba dhex u ah (cida is heysaa ay ku kalsoonyihiin labadooduba in aanu dhinacna u xaglineynin) ay isu soo dhaweyntooda , isfahamkooda iyo is afgarashadoodaba ka dhex wado. Akhriste miisankan markaad halbeeg ka dhigatid bal hada ku dhugo oo ku dhuux adoo gorfeynaya warkii ay ku baahiyeen dawlada Turkigu mareegteeda arimaha dibadu ka dib booqashadii dhawaan madaxweynaha Somaliland uu ku tagey dalka Turkiga (Emphasizing Turkey’s commitment to the integrity of Somalia, Foreign Minister Davutoğlu expressed that Turkey would continue to support for the reconciliation, stability, prosperity and development of Somali people) oo macneheedu yahey wuxuu ku nuux nuuxsadey wasiirka arimaha dibada ee dalka Turkigu inay nidar ku galeen oo ay ka go’an tahey is raacsanaanta, wadajirka iyo midnimada dhuleed, daddeed, dowladeed ee dalkii haligmay ee la odhan jirey jamhuuriyada Soomaaliyeed(Somali Republic). Akhriste kolkaad masaladan furfurtid adigoo qaacidadan sare isticmaalaya maxsuulka kuusoo baxayaa ma noqonayo dhexdhexaadin, sababtoo ah siidhi-waluhu ciyaarta horteed ayuu ku tiraabey tiiyoo badhax-tiran inuu dhinac yahey isla markaana la ujeedo yahey cadowgeenii aynu is-hayney(Cadowgeena walaalkiina waa cadowgeena) http://www.mfa.gov.tr/foreign-minister-davutoglu-stresses-that-turkey-will-continue-to-support-somalia.en.mfa
Midnimo ama Heshiisiin/Dib u heshiisiin
Heshiisiin/Dib u heshiisiin waxay timaadaa kolka sulux laga dhex wado laba geesood ama laba dhinac oo isku dhacey oo cid nasteexo u ah labada qolo oo labadooduba u arkaan nasteexo ay isku soo jiideyso kana dhex-saareyso xurguftii , dhibaatadii iyo qardoofooyinkii ku kala dhex dhacey waana sida Turkiga iyo Somaliyaba u wadaan howshan iyadoon mugdi iyo mad madow toona ku jirin.
Hilib iyo hadalba kala qalane danteenu miyeey ku jirtaa arinkaa aan caadba saarneyn, waase yaabe nimankeynu igmaney ee shaqaalaheena ah maxaa dhayda ka lisey, maxey iskugu dayayaan iney CADAWGA inoogu hadoodilaan, dhaw-dhawdu yaa yidhi umay dhicin Xaajiga weli.
Gaba gabadii akhriste uma baahnid cilmi baadhis xeel dheer inaad ku ogaato xaqiiqadan aawan ee horteena taala , cadceedana Madaxweynaha Somaliland/Wasiirkiisa arimaha dibada iyo dhowr qof oo kale toona sacabkoodu ma qarin karo.
TUUGU WUU IS QARIYAA
HALKA UU KA XADO TULLUD
TAHAN BUU KA GUURAA
TODOBAADKAN XAAJI IYO
KU TIRIIG SITAA YIMID
TU WALIBA YAAB LEHE
MA TURKIBAA MAHDIYA.
Guul ALLAH
Dhamaad