16 Qof oo ku Nafwaayey Weerar ka Dhacay Qaahira

Qaahira(SLpost)-Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in 16 qof la dilay, shan kalena lagu dhaawacay saaka galinkii hore ee Jimcaha, kadib markii quraarad walxaha qarxa laga buuxiyey lagu weeraray makhaayad lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay weerarkan oo ka dhacay makhaayadda El Sayad ee xaafadda Agouza.

Sarkaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qofka weerarka qaaday uu ahaa shaqaale dhowaan shaqada laga eryay.

Wakaaladda wararka Masar ee MENA ayaa iyaduna sarkaal kale kasoo xigatay in saddex nin oo watay mooto ay dhalada bamka ah ku tuureen makhaayadda, kadibna ay goobta ka carareen.

Dadkii gudaha ku jiray ayaannay u suurtogelin inay dabka ka baxsadaan dariiqa oo cidhiidhi ahaa iyo meesha oo aan lahayn meel xaaladaha degdeg ah laga bixi karo. Dadka badankiisa ayaa halkaasi ku nafwayey kadib markii naqasku ku dhagay oo ay qiiq neefsadeen.

Xagjiriin Islaami ah ayaa mowjaddo weeraro ah ka fulinayey Masar tan iyo markii Milatariga ay madaxweyne Mohamed Morsi xukunka ka tureen sanaddii 2013-kii.

 

Somalilandpost.net