12 TALLO OO KU SOCOTA MADAXWAYNE SIILAANYO

Waxaan bogaadinyaa Madaxwayne Siilaanyo oo si geesinimo leh u qirtay in  Xukuumadeesu daabacday lacag   badan oo curisay  sicir-bararka. Maanta, waxa hoos u dhacay doolarka , maciishadu way kacday, danayartuna way qaylisay.Hadaba si saboolka culayska looga yareeyo,waxaan kula talinyaa Madaxwayne Siilaanyo, inuu deg-deg u qaado  12 ka talaabo ee  soo socda:
1).  In Xukuumadu deg-deg u  dhinto   cashuurta dadban “ Indirect tax “ ee laga qaado quut-al-daruuriga  sida  bariiska, Sonkorta, Saliida ,daqiiqda iwm, kuna samayso sicir-kaab “subsidy” 
2 ).In Xukuumadu deg-deg u  dhinto  qiimaha shidaalka  by 70 % , qiimaha korontadana hoos u dhigto by 50%. Waxaynu la socona in qiimaha shidaalku  hoos ugu dhacaday  82% (from $ 145 per barrel to $ 28 per barrel “  .Waxba iskama bedelin qiimaha Somaliland.
3). In Xukuumadu deg-deg u kordhiso  cashuurta dadban ee  laga qaado alaabta aan daruuriga ahayn sida sigaarka , qaadka  , sharaabka ,baabuurta raaxada iwm. ( non-essential items )
4)In xukuumadu deg-deg u kordhiso cashuurta tooska ah” Direct  Corporate Income Tax “  ee laga qaado Ma-gafayaasha & dhiigmeeratada sidaDahabshiil,Telsom,Deero Group, Omaar Group, laguna kaabo quut-al-dariiriga danyarto karsato.
5).In xukuumadu si deg-deg u kordhiso cashuurta laga qaado  Hudheelada waawayn & fooq-yada dhaadheer “ property-tax”  ee ay dhistaan kuna raaxaystaan  xaraan-quutayaasha, laguna kaabo quut-al-daruuriga danyarto cunto.
6) In la joojiyo kharashyada ka baxsan miisaaniyadda qaranka sida gunooyinka waji-ku-macaashka; motion-quutayaasha;xafladaha xil-wareejinta;wasiir-soo-dhawaynta;shir-beleedyada ;buraanburka habaraha Madaxtooyada imw.
7) In  cashuurahta  lagu qaado Somaliland shilling , mushahaarkana  lagu bixiyo.
8).In Xawaaladaha laga mamnuuco   inay dadwaynaha  u  furaan  US  Dollar Account  “ Non-Resident Account.
9). In dhigaalka dawladda  “ Gov’t  doollar Deposits “  lagu beddelo  Somaliland shiling  deposits
10)  In ganacsatada  lagu waajibiyo  inay dhigaalkooda  lacageed  “  Private dollar  Deposits”    ku bedeshaan  Somaliland shilling.
11).In Bankiga  Dhexe la siiyo awood buuxda uu ku maamulo  Bangiyada“ “Banking supervision authority“
12.) In la kala diro Guddiga Mudane Saylici, lana sameeyo guddi ku xeel dhaqaalaha  & Maaliyada “ Independent Economic Commission” oo kasoo talisa qaabka ugu wanaagsan ee lagu xakamayn karo  sicir bararka. Saylici oo  maqasha lagala  quustay ,yaan  geela loo diran
 
Drs Hoodo Yusuf,UK,
yhoodo@yahoo.com.