12-sano ka hor Maanta oo kale iyo Jewigii Naxdinta lahaa ee Somaliland hadheeyey

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da bisha May ee sannadka 2014-ka, waxay ku beegan tahay sannad-guurada 12-aad ee ka soo wareegtay Allaah ha u naxariistii maalintii uu geeriyooday Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal  maanta oo kale sannadkii 2002.

cAllaah ha u naxariistee, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa Madaxeynihii labaad ee Somaliland ee salka u taagay dawladnimada iyo nabadda ay maanta Somaliland ku naalonayso, isla markaana waxa uu magac iyo taariikh lama illaawaan ah ku leeyahay guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed, Geeska Afrika, Caalamka iyo Somaliland-ba. Waxa uu ahaa Raysal-wasaarihii ugu firfircoonaa ee dawlad Soomaaliyeed yeelato.

3-dii May 2002  goor ku beegan Abbaaro 03.00 (saddexdii) galabnimo wakhtiga Saacadda geeska Afrika ayay ahayd marki la soo sheegay geeridi geesiga ka baxay Somaliland, waxaana warkaasi uu shoog iyo naxdin kku abuuray  inta badan ummadda reer Somaliland.  Maxamed X. Ibraahim Cigaal Illaahay naxariistii Janno ha siiyee wuxuu ahaa Wiilkii Curad ee Aabbihii Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Hooyadii Khadiija Maxamed Cismaan oo isaga oo qudha wax ubad ah dhalay.

Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929-kii Degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer oo immika la yidhaahdo gobolka Daad-madheedh, yaraantiisii wuxuu ku barbaaray gobolka Saaxil, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii Malcaamadda Qur’aanka illaa Dugsiga Sheekh,  waxaanu waxbarasho la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha u tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska sannadkii 1950-1954-kii, isaga oo markii uu dhammaystay waxbarashada uu u jeestay dhinaca Siyaasadda isaga oo aad u da’yar illaa yaraantiisiina sida la sheegay uu xiisayn jiray.

Marxuum Cigaal wuxuu waddanka dib ugu soo laabtay dabayaaqada sannadihii Kontomeeyadii xilligaas oo ay Aloosnayd Dabayshii xornimo-doonka, wuxuuna Cigaal ka mid noqday xubnihii ugu firfircoonaa ee dhalinyaradii wakhtigii Ingiriiska u ololayn jirtay Xorriyadda iyo helitaanka Calan Madax-bannaan oo Soomaaliyeed.

1958-kii Alla ha u Naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa loo doortay in uu noqdo Xoghayaha guud ee Xisbigii SNL,  oo safka hore kaga jiray xisbiyadii u halgamayay gobonimo doonka Somaliland, Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa uu hor kacayey Weftigii Somaliland ee dalka Britian u tegay sidii ay u soo heli lahaayeen Calan Soomaaliyeed oo ka madax-bannaan Mustacmaraddii Ingiriiska si ay xor u noqoto British Somaliland Protectorate, oo hoos iman jirtay Maamulka Boqoradda Ingiriiska,  25 MAY 1960-kii wuxuu Marxuum Cigaal gacantiisa ku saxeexay in Somaliland Xor-nimadeeda ka qaadato dawladda Ingiriiska Taariikhdu markay tahay 26-Juun-1960-ka, markaas waxa Cigaal ku weheliyey Heshiiskaas Xubno ay ka mid ahaayeen Dubbe Cali Yere, Axmed Kayse, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdirashiid Suldaan Diiriye, Macheal Moriamo iyo Xaaji Ibraahim Nuur.

Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu noqday Xoghayihii u horreeyey ee Somaliland ka dib markay Xor-nimadeedeeda gaadhay 26-Juun-1960. Haddaba, markii la helay madax-bannaanida 26-Juun-1960-kii oo uu hormuud ka ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa Shacbiga reer Somaliland oo ay qiiro u haysay in ay arkaan Calan Ummad Soomaaliyeed oo dhami ay wadaagto kuna naaloon jiray ayaa waxay markiiba Xubnihii hagayey Siyaasadda Somaliland ay ku biireen Soomaalida Koonfurta oo Talyaaniga Xornimada ka qaatay 1-July-1960-kii oo maalintaas ku biiray Afar maalmood ka dib dhalashadii Calanka Somaliland, iyaga oo xataa  haba-yaraatee wax shuruud ah oo ay ku xidheen aanay jirin, waxaanay labadii Jamhuuriyadood sidaa ku noqdeen Dalkii la odhan jiray Soomaaliya.

Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu noqday Wasiirkii Gaashaan dhiga ee ugu horreeyey Soomaaliya, sidoo kale, waxa uu noqday Wasiirkii Tacliinta ee Soomaaliya 1963-1964, hase yeeshee wuu iska casilay Golihii Wasiirrada ee sannadkaasi, isagoo hoggaamiye ka noqday Xusbi Mucaarid ah oo la odhan jiray SNC, markii danbana wuxuu  ku biiray Cigaal Xisbigii SYL, 10-kii July, 1967-kii wuxuu Cigaal noqday Raysal-wasaaraha Soomaaliya markii Cabdirashiid Cali Sharmaarke loo doortay xilligaasi Madaxweynaha Soomaaliya, Cigaal mar kale ayaa loo doortay Jagadaas Raysal-wasaaraha doorashooyiinkii 1969-kii.

21 Oct 1969-kii markii Inqilaabka Millateri ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre uu ka dhacay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya Maxamed X. Ibrahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’isal Wasaarihii ugu dambeeyey ee dawlad Soomaaliyeed oo la doorto, waan la xidhay, wuxuuna Cigaal xabsiga ku jiray illaa iyo 1980-kii, bishii February, marka laga reebo muddo sannad ka yarayd oo ahayd 1975-kii illaa 1976-kii, oo loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Caasimadda dalka Hindiya ee New-Delhi, ka dibna isla markiiba xabsiga ayaa lagu celiye.

1985-kii waxa jirtay mar loo magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaas, waanu iska casilay. Burburkii Dawladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qayby-galay Sannadkii 1992-dii, Shirkii  dib u heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-kii bishii May 5-teedii Cigaal waxa loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyadoo ay kula tartamayeen Madaxweynihii isaga ka horreeyey Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) Illaahay ha u naxariistee iyo Cumar Carte Qaalib oo uu kaga guulaystay tartanka oo ahaa heer Baarlamaan. Jagadaas dib ayaa haddana loogu doortay Marxuum Cigaal sannadkii 1997-kii oo ay kula tartamayeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo uu ka guulaystay.

Wakhtigii uu Marxuum Cigaal ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto waxa ka mid ah Qaramayntii iyo hub ka dhigistii Maleeshiyaadkii ka jiray, aasaaskii Nidaanka Dawladeed iyo Hay’adaha Qaran iyo sal u dhigidii Nidaanka dimuqraaddiyadeed ee Somaliland illaa maanta midhaheeda hadhsanayso.

Maxamed X. Ibrahim Cigaal wuxuu 28-kii bishii April ee 2002-dii uu daawayn dhakhtar u loogeeyey dalka Koonfur Afrika, isaga oo ay weheliyeen Marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirradii Xukuumaddiisa ee wakhtigaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Dibedda Maxamuud Siciid Gees iyo Wasiirkii Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Maxamed X.Ibrahim Cigaal Allaah ha u Naxariistee, waxa uu guursaday intii uu noolaa Shan Dumar ah, waxaanu dhalay Shan Carruur ah oo kala ah Saddex Wiil iyo Laba Gabdhood, oo intaba ay u dhashay Alla ha u naxariistee Marxuumad Caasha Siciid Caabbi. Waxaynu Illaahay uga baryeynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net