11 Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka oo gobolka Gabiley oo xabsiga loo tabaaxay

Hargeysa, 10 March 2012 (SLpost)- Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo ka soo morjeeda Maayarka Gabiley ayaa maanta Jajabiyay xaruntii dawlada hoose ee Gabiley ka dib markii sid ay sheegeen xukuumadu u fasixi wayday in ay kalfadhi ka yeeshaan Maayarka haatan tallada haya.

Xildhibaanadan oo mudaharaad rabshado wadata kula waabariistay dawlada hoose ayaa gebi ahaanba dhulka dhigay muraayadihii xafiisyada dawlada iyo hoolkii cusbaa ee dhawaan dawlada hoose ee gabiley  dhistay.

Ciidamada booliska Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay 10 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley.

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa ku andacooday in wasiirka arrimaha guduhu u diiday in Golaha loo fasaxo in ay kalfadhi yeeshaan wakhti ay xilkoodii ka hadhsantahay 28-maalmood oo kaliya.

somalilandpost.net

Khadar Jaamac

Hargeysa Somaliland