11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In Uu Wanaagsanaa

Qaybtii 1aad

Washington (SLpost)- Kadib hal sano oo daraf kasta oo dunida ka mid ah ay ka soo yeedhayeen warar la xidhiidha, colaado, faqri, aafooyin dabiici ah iyo masiibooyin kala duwan, waxaa dad badan ku abuurmay aaminsanaan ah in dunidu dhinaca xun uun u sii socoto oo aanay jirin wax sidii ay ahaan jireen ka soo raynayaa. Laakiin sidaas ma’aha!! Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu fiicnaa ee sannadkan ay dunidu ku xasuusan doonto, gaar ahaan dhinaca horumarka.

1. Waxbarashadii oo korodhay: Haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa warbixin ay dhowaan soo saartay ku caddaysay in tirada carruurta aan dusiyada lagu darin ay sannadkan ku dhowaad kala badh ka yaraatay celceliska intii ay ahayd 15kii sano ee u dambeeyey. Iyada oo halkii ay ka ahaan jirtay 100 Milyan 2015ka noqotay 57 milyan dunida oo dhan.

Warbixintan waxa ay haayaddu ku sheegtay in dunida maanta aynu joogno ay 10 kii carruur ah ee kasta 9 ka mid ahi bartaan akhriska iyo qoraalka. Dhinaca kalana baanka adduunka ayaa warbixin uu soo saaray isna ku caddeeyey in uu jiil keliyi innaga xigo in markii abid ugu horreysay la arko duni qof kasta oo ku nooli waxbartay.

2. Faqrigii ba’naa oo hoos u dhacay: Faqriga gaar ahaan ka lugu tilmaamo in uu aad u ba’an yahay ayaa sannadkan 2015 ka boqolkiiba 10 hoos hoos u dhacay, dunida oo dhan, taas oo ah heerkii abid ugu weynaa ee uu faqrigu hoos u dhaco.

Dadka ku nool maalintii wax ay goyaan lacag ka yar 2 Doolar ayaa sannadkan 2015ka ay tiradoodu noqotay 702 Milyan oo u dhiganta in 9.6 dadka dunida ku nooli yihiin faqiir dhul yaal ah, taas oo boqolkiiba 12.8 ka yar tirade dadkii faqiirka ahaa ee sannadkii 2012ka. Waana markii ugu horreysay muddo 200 oo sano ah ee tirade dadka faqiirka aadka u daran ahi ay heerkaas hoos ugu soo dhacdo. La soco… 

Xigasho Geeska Afrika