“Waxaan leeyahay Faysal Cali Waraabe ka daa waxyaabaha xisbiga iyo dadka kala dilayaa”

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan dhalinyarada Soaliland.Waxan aan u soo jeedinaya Eng Faysal Cali Waraabe inuu ka daayo waxyaabaha xisbiga iyo dadka kala dilaaya iyo hadalada aan loo baahnay eek u hadlaayo, inuu xilka xisbiga uu wareejiyo sidii wanaagsanayd ee uu Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin u xilka u wareegiyey ninkasta oo xil isku soo sharax waanu soo dhawaynaynaa.

Laakiin  waxaanu leenahay Faysal Cali Waraabe xilku waa wareegto, adigu waxaad tahay ninkii xisbiga aasaasay, isla markaana gacanta ku hayay wakhti dheer intii uu xisbigu jiray, waxaad tahay nin magic iyo sharaf ku leh xisbiga iyo dalkaba.

Waxaan ku soo jeedinayaa in aad xilka wareejiso adiga oo dhowrayaa sharafta xisbiga. Waxaan kale oo aan xisbiga u soo jeedinayaa inay xaliyaan khilaafka ka dhexjira labada garab ee uu xisbigu ay u kala jabeen.Waxaan kale oo aan ku talinayaa in xisbiga laga joojiyo waxyaabaha xun xun ee baabinayaa xisbiga,sidaas darteed waa in nin walba dhankiisa ka ilaaliyo wixii waxyeelaaya ama wax u dhimaaya xisbiga UCID.

Waxa kale, oo aan u soo jeedinayaa shacabka reer Somaliland inay si wada jir ah ay u wada ilaashadaan Nabadgelyadood iyo jiritaankooda.

Waxa kale, oo aan ciidamada wadooyinka iyo kuwa kale ee nabad sugida u soo jeedinayaa inay baabuurta isku xaniban iyo kuwa la dhigaayo meesha aan baarkina ahayn, waa  in ay wax ka qabtaan qofkii diidana  laga qaada talaabo sharciga waafaqsan iyo ganaax lacageed. Dawlada qudheeda waxaan leeyahay wax ah ka qabato sixir bararka ka taagan dalka, maadaama oo lagu jiro bisha ramadaan oo loo baahanyahay in masaakinta aan waxba haysan meesha loo jabiyo si ay uga qabqaatan soomid bisha barakaysan ee ramadaan, Ilaahay uma naxariisto qofka aan dadkiisa u naxariisan. Marka waxaan leeyahay ganacsadayaasha inay dadka u naxariistan oo ay meesha u jabiyaan.

Qore: Saleebaan Muuse Diiriye