“Waa in dadkeenii cilmiga dibadaha ka soo korodhsaday wax ka beddelaan Beertii Hadhuudhka iyo Sacii la daba-joogayey….”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

Gabiley, 26 July, 2011 (Somalilandpostl)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inay dadka Gobollada Gabiley iyo Awdal ay u baahan yihiin in dadkooda qurbaha wax ku soo bartay la soo noqdaan wax ka duwan Beer Hadhuudh ah iyo ilaalinta Saca (Lo’da).

Madaxweyne ku-xigeenka oo arrintaa ka hadlayaana wuxu yidhi; “Waa in dadkeennii aqoonyahanka ahaa ee cilmiga dibadaha ka soo kordhistay ee Adduunka ka soo kordhistay wax ka beddelaan Beertii uu shalay ka tagay ee hadhuudhka iyo Galeydii yarayd ee aynu Beeran jirnay, iyo Sacii yaraa ee la daba-joogayey.”

“Sidaa aynu wax uga beddeli karnaanaana waa Beertii aynu Roobka la sugaynay inaan Dhaamam u xidhno oo lacagta aynu ku bixinayno Jagada 150,000$ (Boqol iyo Kontonka Kun ee Doollar) iyo Gaadhiga 100,000$ (Boqolka kun ee Doollar) aynu u weecinno Dhaamamka iyo Biyo-xidheenno si aynu u soo saarno wax soo saar muuqda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo shalay ka qaybgalay munaasibad uu xadhigga kaga jaray Wershad cusub oo Biyaha sifaysa oo laga hirgeliyey deegaanka Gabilay.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay inay Xukuumad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo dalka ku soo kordhinaysa wax soo saar, kana qayb-qaadanaysa kor u kaca dhaqaalihiisa iyo horumarkiisa dhinaca wax soo saarka. Md. Cabdiraxmaan-Saylici, mar uu ka hadlayey qaabka ay tahay in loo abuuro shirkad waxa uu sheegay in bilaabitaankeeda ka hor ay habboon tahay in sharci lagu hago loo sameeyo oo aan gadaal cidda ay ka dhaxaysaa is jiidjiidan.

“Marka hore hawsha waa la galaa, waxaanay muhiimaddu tahay in la ilaaliyo sharciyadda Shirkadda gudaheeda iyo maamul wanaaggeeda, si khilaafka la iskaga ilaaliyo oo aanu muran u iman. Dadkeennana waxaad mooddaa inay u soo bislaanayaan wax wada lahaanshaha.” Ayuuyidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).