​ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAX-WAYNUHUNA WAA MAXBUUS

Waxaa wakhti badan iyo dhaqale badan lagu lumiyaa in Madaxwayne la noqdo ,waxa aad arkaysaa wakhtiyadan aynu joogno in marka uu doonayo qofku in uu Madaxwayne noqdo in uu u maro dariiq kasta oo uu isleeyahay waxa aad ku gaadhaynaa Guusha Madaxwane nimada ,mararka qaar waxaba laga yabaa in ay ku kalifto in uu cid ku Dilo amma isaga lagu dilo Naftiisana qaaligana uu ku waayo.

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa aynu ka wada warqabnaa in Ninkasta oo maanta madaxwayne noqday hadii aad waraysato Sababta ku kalifaysa in uu Madax Noqdo isla markana Umad dhan Masuliyadeedii uu madaxa u saaranayo ,waxa laga yabaa in uu kugu jawaabo si basiid ah,isaga oo ku odhanaya waxa aan rabaa in Dalkan iyo Dadkan aan horu-mar gaadhsiiyo.

Madaxda Afrikana waxaaba dhacda in Dal iyo Dad toona anay waxba uqaban .Qaarkoodna waxaba halis gasha iyagu Nafahooda. Ninka wadan Afrika Madaxwayne ka noqda waxaa khasab ku ah in marka u horaysaba uu Bulshada ka oodmo ,saamaystana cidgara oo isaga iyo Bulshada usoo kala waranta ,Run iyo Beenba .

Waxaa dhacda in Madaxwaynaha iyo Dhamaan qooyskiisuba ay ku oodnadaan, Go-doona ku noqdaan Gurigaasi madaxtoyada ,waxaa kaloo dhacda oo marag-madoona in Madaxwayne kasta oo Afrika jooga marka kaliya ee uu damco in Guriga uu ku jiro Dibada uga baxo ,waxa uu kaxaystaa Cidan xoogle ,malintaasi Madaxwaynahu uu Gurigiisa kasoo baxaa Dadwaynahasi Magaladasi ku Nool waxaa soo wajahda xaalad aad u adag,,marka aad Dadka Su’aal waydiiso ee aad tidhaa maanta maxaa dhacay ilayn waatan ,Magaladii Kacsane sane ,waxa ay kugu Jawabayaan,MADAXWAYNIHII AYAA QASRIGA KASOO BAXAY !!

Arin taasi oo noqotay mid la isla yaqano ,waxa kaloo intaasi dheer bixitaanka Madaxwaynahu Guriga kasoo baxaa waxa ay Malintasi Suuq seejisaa Kumaan kun Dad , iyada oo Baaburtiisa sida Xawliga u socotaa ay Dadka waxyelaan,taas waxaba kasii daran Argagaxa la galinaayo shacbiga, iyada oo Waddo kasta la dhigaayo Cidan iyo Milatari ,Magaladiina ay u ee kanayso mid BANDOO AH ,Dariiq-yada qaarkoodna waxaad ku dhafaysaa Daa’imoow magan , balse Ninkaa madaxwaynaha ahi Marka uu Madaxtoyadiisii ku noqdo ayaa magaladuna Miyir-ugu horaysa ,bal muu kaba joogo.

Qoralkaygan ugama jeedo in Madaxwayne gaar ah aan ku Calamadinayo arintan lakiin waa arin Dhamaan Afrika oo dhan u ah Astaan lagu yaqaano.Somalina ay kaba sii xaq jirto, mararka qaar waxa aan is waydiiya maxaa sababay arimahan:-

a) Ma Ninkan Madaxwaynaha ah ayaa Dadkisa Godob ka galay oo tasaa ka lifaysay in uu baqdo

b) Ma markan uu Kursiga Madaxnimada radinayo ayuu dadka u kala qaybinaya Qabiil iwm

c) Ma Dad kaa xun oo madaxwaynahooda ay Shalay jeclayeen maantana Coladinaya?

d) Ma Kibir iyo isla wayni ayay ka tahay oo waaba Astaan lagu faano Ciidanku iyo Digdigto.?

Hadaad aragto Wadamada Yurubta iyo Wadamada aduunka u waawayn sida Maraykanka iwm ma arkaysid cid muuqata oo aad isleedahay Madaxwaynaha way ilaalinayaan ,marka ay Suuqyada iyo bananada usoo baxaan ,hadii cidi baqanaysana iyaga baqan lahaa ,oo Dunida oo dhan godob ka galay ,balse madaxdooda si Farsamaysan ayaa loo ilaaliya,ee maha teenan I ARKAAY I MAQLAAY GURIGII WAAN KASOO BAXAY !!! ma cadawbuu iska ilaalinayaa mise wuu isugu baqayaa ??

Hadaba Malin Maalmaha ka mida ayaa waxa Magalo Afrika ku taala waxaa ka dhacday in Nin ka mida ragii Madaxwaynaha codka siiyay ayaa waxa uu damcay in Maanta uu soo salaamo Madaxwaynahii uu Codka siiyay , isna bartaan wakhti yarna uu lasoo Sheekaysto.

Waxa uu tagay Guriga Madaxwaynaha amma Madaxtooyada, Albaabka markii uu istagay ayaa sida cadada inoo ah waxaa kusoo Cararay Raxan ilaaladii Madaxtoyada ah, Ninkii waa la Hatigay waana la riixriixay kadibna waxaa lagu yidhi Maxaad halkan kasoo doontay ee ku keenay ? kadibna waxa uu ku jawabay isaguu Argagaxsan waxaan rabaa Madaxwaynaha ,oo waxaan ahaa Dadkii Codka siiyay, waxanan rabaa in aan soo salaamo .

Waxaa loogu jawabay LAYSUMA OGOLA OO MEESHANI WAA MADAXTOYADII ,HADANAD HALKAS KA BIXINO WAANU KU XIDHI !! waa uu fajacay ,waayo si fican ulamay hadan ,intii yaarayd ee uu meesha taagna waxaa ku dhacay Laad iyo Dhirbaaxo, kadibna inta uu ka dhaqaqay ayaa waxa uu yidhi,WAAR MEESHU WAA XABSI , MADAXWAYNUHUNA WAA MAXBUUS.

W.Q :Qareen/ Khadar Ibrahim Aar