“Erayada Qaldan ee ku Jira Heesaha Danbe ee ay Tahay in Layska Saxo

 

 

Qoraalkan yaree kooban waxayn insha-allahu kusoo qaadanayaa maanta “Erayada qaldan ama aan munaasibka ku ahayn meesha look isticmaalayo eek u jira heesaha danbe ee imika laqaado”, iyo sharax yar oo koooban ooo qeexaya ama sheegaya Sababta aanay weedhaasi saxda ugu ahayn  meesha loo isticmaalay.

Inkastoo aanay iga ahayn inaan sheeganayoo aqoon dheeraada oo aan leeyahay heesuhu waa wada qalad gebigood kuwan aan soo qatay,laakiin waxan  soo gudbinayaa uun intaan anigu arkay ,wallow ay heesuhu   erayo saxa leeyihiin haddana meelaha qaar ay kuyara qaldameen hal-abuurada leh heesahani ayuunbaan soo gudbinayaaye ila eega.

 

1.wakhtigoo mar gudhanbaa , mar godladaa barwaaqoo (Maxamad bk)

Labadani tuduc waxay kamid yihiin ama ku jiraan hees uu qaado fanaanka ‘Maxamad Bk’ ee magaceedu yahay aduunyo,Erayadeedana uu leeyahay ninka la yidhaahdo ‘Laabsaalax’ hadaba maxaa kasiya ee aan labaadan tuduc u soo qaatay.

Hadaynu tuduca hore dul istaagno marka aynu micnaha gud ee midkastaa leeayahay eegno ka sakow micnaha maanseed, wakhtigu horta ma gudhanbaa marka uu leeyahay hal-abuurku horta guud ahaanba waa khalad,laakiinse horta waxa gudhmaa waa neefka xoolaha,gudhnaanshiyuhuna waa marka neefka xoolahaa laga waayo caanahii laga lisi jirey ayaa layidhaahdaa wuu gudhanyahay.

 

Markaa erayga micnahiisa saxda waa kaas se isagu siduu u dhigay marka la eego micne ahaan sax maaha mana qabanayso halka uu u isticmaalay.

Waxay noqotay talabaad wuxuu yidhi ‘Mar godlada barwaaqoo’ tanna iyaduna waa mid ku khaldan halka loo isticmaalay micne ahaan waayo dee wakhtigu ma godladaba  ee wax godladaa waa Neefka xoolahaa oo markaa caano badan laga liso ayaa layidhaahdaa uu godladay neefku, tusaalayaal kalena way jiraan oo lookisticmaalo godlashada oo iyaduna ay kamid tahay

  • Ardayda in lagu yidhaahdo markastoo aamuskiinu bataba waxa badanaysa inta uu macalinkiinu wax badan idiin sheegi karo ee uu idiin godlan karo,godlashadaasna micnaheeda waxaa looga jeeda yacni waxbadanoo saa’ida idiin sheegi karo iyo qaar kaloo badan.

 

Markaa  halkaa iyadaa labada waxa kaga fiicnaan inuu ninkaas hal-abuurka ahi isticmaalo laba erayoo kale oo kaga haboon micne ahaan iyo maanso ahaanba .

 

  1. Tuduc weeyi caashaqu, Tiirsiiniyo xidhiidhsane (Nimcaan Hilaac)

Erayganina wuxuu ku jiraa hees uu qaado fanaanka ‘Nimcaan’  Erayadeedana leeyahay ninka layidhaahdo ‘Xasan axmad Kulane’ , layidhaahdana Katir laabta’ xasan wuxuu u adeegsaday eraygan meel aanu ku haboonayn waayo maxaa yeelay marka earayga meel aanu lahayn ama ku haboonayn  loo isticmaalo wax isbadalaya micnahii suugaaneed  iyo waliba kii heesta oo isna isbadalaya waayo qaladbaa imid meeshii.

Micne ahaanna ‘Tuducu’ waa qayb qalcad kamid qalcadaha ay ka koobantahay maansadu ayaa la’isku idhaahdaa Tuduc amaba  dhowr layn oo kamida maansadda uu abwaanku tirinayo.

Tusaale ahaan sida tan hoos ku qoran:

       “ Haddaan guudka laga jirin

                                                          Gudihiisa xaabkiyo
                                                         Cayayaanka laga gurin

            Marwo dumar garka u xidhan,

                                                           Ilayn guri dugsoon ma leh ”             M/I/W (hadrwaawi)

                                                                                                    Hablaha geeska 

Tanoo kale ayaa la odhan karaa waa tuduc se heesta si khaldan ayuu ugu jiraa erayga Tuduc.

Waa talabaade marka uu hal-abuurku leeyahay ‘Tirsiiniyo xidhiidhsane’ dee horta waxa xidhiidhsamaa keliya waa maansada  maarka la jooga Suugaanta  haday tahay in abwaan  maanso ugu  soo jawaabo abwaan kale amaba layidhaahdo maansadaas amaa gabaygaasi tuducyadiisu weli way sii socdaan, laakiin imika Tuducan ku jira heestani waa mid jacayla,jacaylkuna ma laha tuducyo se wuxuu leeyahay xiddhiidh keliya oo weynaga badanaa maqalna sheekadani waxay la xidhiidhaa sheekadii jaceylka ahayd ee hebla iyo hebla i.w.m.

Markaa  waa looga fiicanyahay hal-abuurka inuu isticaalayo erayada noocaasi ah.

 

  1. caashaqa weligii lagama dhargoo, dhuuxiyo lafuhuu u dhaadhacaa (farxiya kabayare)

Wallow aanan garanaynin heestani cida leh eraydeeda balse magaceeda la yidhaado (Dhakac –dhakac) ayaan  iyadana ku arkay Labadan tuduc waxana qaada heestan amaba aan idhaahdee ku luuqaysa fanaanada ‘farxiya kabayare’ ahna heesaha danbe.

horta waa midoo wax aan laga dhergin haday gaajo ku haysaa waa cuntada uun ilaa aad gaajo baxayso,iyaduunbaa una dhaadhacda dhuuxiyo lafaha iyo jidhka intiisa kale, laakiin maka maanso ahaan la eegaayo caashaqu maaha cunto amaba raashin laquuto, se dareen wax lagu shabbaho uun laakiin imika sidan kor kuxusan ee uu Hal-abuurka heestani isticmaalay waa qalad waayo maanso ahaan micnaheedu sax maaha oo micnihii heestu wuu lumay maxaa yeelay tiraab caadiya ayuu kadhigay

waxba yaanan faallo dheer sii gelina taana intaa aan kaga imaadee wax iyadna kaalinta afraad ku jirta

4.Dihashadaa cadceediyo, jeegaan isdadabtaay(cawaale aadan)

Heestanna wax layidhaahdaa ‘Mahdiya’ waxa ku luuqeeya fanaanka ‘cawaale aadan’ erayadeedana waxa iska leh “cabdilaahi xasan ganey” hadaba heestanna erayada qaldan ee aan ku arkay waxa kamida sida labadan sare ku xusan oo kale.

Marka uu hal-abuurku leeyahay Dihashadaa cadeediyo dee maanso ahaan sax maahan waayo cadceedu waxna ma dihato lamana dihdo,waayo hore ayaynu umaqalnay maahmaahda tidhaa ‘baqali wax madhasho wax dhalana ma jecla’ waxaan filayaa inay sidaas ahayde.

Kalmada ‘Dihasho’ micne ahaan waa wax-dhalid sidaynu so sheegnayna waxa wax dhalaa waa xayawaankiyo iyo bini-aadanka uun se cadceedi wax madhasho, markaa suugaan ahaan qalad weeyi eraygaas halkaa uu u adeegsaday hal-abuurku.

Waxay noqotay midda labaad ‘Jeegaantoo isdadabtaay’ horta waa mide jeegaan isma dadabto ee way socotaa uun weligay iyo allahayna maan arag horta anigu jeegaan isdadabta,se kuma khaldana erayga jeegaan inuu isticmaalo ee waxaa khalday oo micnihii lumiyay erayga kale ee daba yaala oo micnihii badalay, ka maanso ahaan magalayso markaa halkaas waayo marka lamicnaynayo am dabagalka lagu sameeyo heesta qofka inuun suugaanta yaqaana markaaba wuu dareemay amaba soo saarayaa inuu meesha qalad ku jiro maxaa yeelay micihiibaa guuray

 

LASOCO QEYBTA DANBE

Waxaad ku darsan karayso fadlan igala soo xidhiidh e-mailkan hos ku qoran

W/Q- Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale (Dhinbiil)

Email:  cabdimajiidiid@hotmail.com

Amaba   cabdimajiidiid@gmail.com