Zakina Cafeteria House: Meherad-ganacsi Casri ah oo lagaga furay Hargeysa iyo Adeegyada aad ka helayso

Hargeysa (SLpost)- Degmada Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa, waxa maanta lagu daah-furay Meherad Ganacsi Casri ah oo lagu magacaabo Zakina Cafeteria House, kaas oo ay maal-gashadeen muwaadiniin ku dhiirraday inay qayb ka noqdaan tartanka ganacsiga iyo Meheradaha bixiya adeegyada Casriga ah ee caasimadda .

zakina4

Meheraddan oo ku taalla Agagaarka Kaantroolkii hore ee Galbeedka magaalada Hargeysa, waxa xadhigga ka jiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanadaha Xoolaha iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

 

Zakina Caffetaria ayaa ah meherad samaysa Cabbitaannada iyo Cuntooyinka Fudud oo qaabka casri ah loo sameeyey isla markaana loogu adeegayo dadka macaamiisha ah ee goobta taga ama kuwa kale ee soo dalbada oo qaab tafaariiq ah iyo qaab jumlad ahba loogu adeegayo cuntooyinka iyo cabbitaannada kala duwan.

zakina2

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga UCID Siyaasi Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ugu horeynn munaasibadda daah-furka adeegyada casriga ah ee meheradda ka hadlayey, ayaa bogaadiyey maal-gashiga mulkiilayaashu sameeyeen, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay ka faa’idaystaan adeegyada ay bixiyaan meheradaha casriga ah ee dalka laga furayo oo meheradda Zakina Caffetaria House ku jirto.

Zakina 2

“Waxaan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa inay ka faa’idaystaan horumarka dalka ka socda iyo goobaha casri ah ee dalka laga furayo, taasoo ay dadkeenu isu xil-qaameen,” ayuu yidhi Siyaasi Naasir isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay dhiirri-gelinta muwaadniinta hantidooda ku maalgashaday dalka.

 

Xildhibaan Abubakar Jaamac Good oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo ka hadlay munaasibadda daah-furka adeegyada cusub iyo dib-u-casriyeynta lagu sameeyey Meheradda Zakina Caffetaria House, ayaa bogaadiyey dedaalka ay la yimaaddeen mulkiilayaasha meheradda oo uu tilmaamay inay kaalin weyn ka qaadanayso horumarka dalka. Waxa uu xildhibaanku ku dhiirrigelinayey maalgashadeyaasha meheraddan inay qayb kale oo meheraddu leedahay ka hirgeliyaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

masuuliiinta

“In Shaqo abuur la sameeyo wax qaalli ah ayay ka tahay adduunka, waana waxyaabaha laysku dhiirri-geliyo ama hantida lagu bixiyo qofku inuu qof shaqaaleeyo,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Abubakar Good, waxaanu ugu duceeyey in Eebbe ku garab-galo dedaalka ay sameeyeen.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanadaha Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu isbar-bardhig ku sameeyey Micnaha uu ka tarjumayo Magaca Meheradda loo bixiyey iyo Goobta laga sameeyey uu ku tilmaamay inay tahay goob nasasho oo ka durugsan Sawaxanka iyo Huurka Gudaha Caasimadda.

kursaadida

“Goobtan magaceeda iyo halkay ku taallaa way isleeyihiin. Kelmadda Zakina waa Af-Carabi, waxay micnaheedu noqonaysaa deggenaansho, waa meel nasasho oo wax laga cabbo, cuntooyinka fud-fududna laga cuno,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud oo isagu halkaas ka ballan-qaaday inuu ka mid noqon doono macaamiisha meheradda oo uu mararka qaarkood u nasasho tagi doono.

keega22

Munaasibadda maanta loo qabtay Daah-furka Dib-u-casriyeyn iyo Adeegyo cusub oo ay soo kordhisay Meheradda oo markii u horeysay dalka laga furay 2016, haseyeeshee wakhtigaas ku shaqaynaysa Nidaamka loo yaqaanno DELIVERY ama in dadka loogu geeyo Goobaha Xafiisyada, Guryaha iyo Goobaha kale ee Ganacsi.

keega Zakina

Waxa xusid mudan inay meheradda casriga ah ay maal-gashadeen Saddex Hablood oo walaalo ah oo magac-yadooda kala yihiin; Bahja Naasir Cali, Faadumo Naasir Cali iyo Xaawa Naasir Cali, waxa dib-u-casriyeynta adeegyada ay bixinayaan ka-sokow ay sameeyen shaqo-abuur iyadoo xilligan ay ka hawl-galaan shaqaale tiradoodu gaadhayso Toban Qof oo dhalinyaro wiilal iyo Hablaha isugu jira.

 

Sida ay noo Xaqjiijiyeen maamulka meheraddani, ma jirto cid ka gacan-qabatay ama ku taageertay maaliyadda ay Hablahani ku maal-gasheen Meheraddan Casriga ah, waxaanay tallaabadani markhaati u tahay isla markaana dhiirri-gelinaysaa maalgashiga ay muwaadiniintu dalkooda ku samaynayaan.

zaina sharaab

 

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO WARBIXIN LAGA DIYAARIYEY FURITAANKA MEHERADDA