Yuusuf Garaad waa oo nin ku khashifmay inuu dhex ka noqdo xaqiiqda ka jirta Somaliland iyo Somalia W/Q:Khadar Jaamac Dirir

Madaxdii Laanta afka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa salaasaddii iska casilay xillka agaasimaha idaacadda BBC-da waxaanu u haqal-taggay inuu Madaxweyne ka noqdo dalka Somalia.

Agaasimihii hore ee idaacadda Yuusuf Garaad ayaa lagu xasuusta nin ku dhaqma qabiil oo aan ahayn in ummadda dhex u noqonkara isagoo idaacad madax u ah ayuu samayn wayey isku dhexeelitir ka dhan ah bulashadda afka Soomaaliga ku hadal oo u jan-jeedhsan jiray dhinaca qabiilka.

Dalkan Somaliland ayaa lagu xasuusta inuu Yuusuf Garaad ahaa ninka kaliya ee lafta dhuungashay ku noqday horumarinteeda iyo waxay qabsatay isagoo dafira waxyaabaha Somaliland horumarka ka samaysay oo hore ayaa loo yidhi “Cirid aan arkayo ilka kama soo jeedaan”,ninka maanta xilka doonaya ee yidhi Somalia ayaan qabanay oo ummad ayaa maamulayaa oo aan madax u noqonaya waa arrin la yaab leh.

Haddaba iscasilaadan Yuusuf garaad ayaa ku soo beegantay xilli hoos u dhac weyni ku yimi idaacadda BBC-da oo ay dad badani tixgalin siinin, maadaama uu maddax laantu yahay in aan ummadda ugu shaqayn kariin dhex-dhexaad iyo daacadnimo.

Bulshadda reer Somaliland ayaa markii ay maqleen inuu iscasilay madaxdii laanta afka Soomaaliga waxay cidkasta oo meesha ku maqasha iscasilaad Yuusuf Garaad yidhi “Laydh qaboow, Maadaama uu Yuusuf Garaad Cumar ahaa ninka hoos u dhigga wararka laga tabiyo Idaacadda BBC-da oo si qooniya u soo xiggan jiray dadka Somaliland neceb horumarkeeda iyo nabadda ka tisqaaday, laakiin waakii abwaanku yidhi Hadraawi yidhi “Nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarrayntiisa, sidka waad wadaagtaane, ma sagaashanbaa tiisu?”

Agaasimihii hore ee BBC-du wuxuu ka dhego adagay inuu ummadda Soomaaliyeed ee dagaaladda iyo rabshaduhu hadheeyeen inuu u soo bandhiggo xaqiiqadda ka jirta ee aan sacaw lagu qarin Karin.