Yurub oo ka shiraysa ammaankeeda

EU(SLpost)-Ninka dableyda ah ee tareenka weeraray waxaa yaqaannay hay’adaha sirdoonka ee ugu yaraan saddex waddan, laakiin sida uu qareenkiisu sheegay waxaa uu ku caalamka ku marayay safar xagga tareennada ah lixdii bilood ee ugu dambeeyay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Jarmalka , Johannes Dimroth, waxaa uu wakaaladda wararka ee AP u sheegay in haddii qofka la tuhunsan yahay uu yahay kan la sheegay inuu yahay, uu Jarmalku ku raadjoogay markii uu isaga gooshayay magaalooyinka Berlin iyo Istanbul, waddadaas oo caan ku ah inay maraan kuwa u socda inay ka dagaallamaan dalka Suuriya.

Rolf Tophoven, oo ah khabiir arrimaha argagixisada ahna agaasimaha machadka ka hortagga qulqulatooyinka ee magaalada Essen ee waddanka Jarmalka, waxaa uu sheegay in weerarka tareenka ee la fashilyay uu muujinayo sida ay mas’uuliyiinta ugu adag tahay inay ka hortagaan weerarrada noocaas ah ee uu fuliyo hal qof amaba koox yar.

Faransiisku waxaa uu horeba ugu baaqay dadka waddankiisa inay labanlaabaan feejignaantooda iyo rabitaankooda inay markiiba ku boodaan ciddii fal iskudayda. farriimo sidaas dadka loogu sheegayo ayaa laga baahinayaa saldhigyada tareennada laga raaco laga bilaabo maalinta Isniinta.

Madaxweyne Francois Hollande waxa uu sheegqay in iyadoo laba ka mid ah raggii American-ka ahaa ee qabtay ninkii dableyda ay ahaayeen askar haddana maalintii Jimcaha rakaab uun baad ahaydeen. Waxaad u dhaqanteen sidii askar oo kale laakiin haddana sidii rag mas’uul ah oo kale.

Raggaasi waxay muujiyeen in marka ay timaad argagixiso aan awood u leenahay in aan iska caabbinno, waxaad kaloo bixiseen cashar geesinimo ee rabitaan iyo rajo, ayuu yiri madaxweyne Hollande.

Dowladaha Yurub waxaa mararka qaar lagu dhaliilaa wax ay dadka qaar u arkaan mowqif debacsan inay kula dhaqmaan dadka lagu sheego xagjirnimada, ninkan ugu dambeeyay ee la tuhunsan yahayna sida muuqata waxaa uu awood u lahaa inuu dayuurado raaco iyo tareenno isagoo aan wax dhib ah la kulmin, taas oo su’ aalo cusub keenaysa, hase ahaatee tirada faraha badan ee dadka laga shakisan yahay ayaa wax adag ka dhigaysa in dhammaantood dabagal lagu sameeyo.

BBC