Yurub oo Ka Hadlaysa Xal U Raadinta Muhaajiriinta Qarqiyay

 

EU(SLpost)-Xubno ka tirsan gudiga Yurub ayaa saaka booqanaya jasiiradda Kos ee dalka Giriiga, si ay u darsaan culeyska ballaadhan ee ka dhashay muhaajiriinta iyo qaxootiga tirada badan ee dalkaasi gaadhay.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaal xal loogu raadinayo muhaajiriinta badan ee ku qulqulaya dalalka Midowga Yurub.

150903111207_migrant_train_budapest_512x288_epa_nocredit (1)

Boqolaal muhaajiriin ah ayaa maalin waliba soo gaadha jasiiradda Kos, qaar badan oo ka mid ahna waxa ay ka cabanayaan in muddo ay ku qaadato sidii ay u heli lahaayeen diiwaangelin.Dowladda Giriiga ayaa ballanqaaday in ay shaqaale iyo agab ku bixineyso sidii loo diiwaangelin lahaa muhaajiriintaasi, balse gudoomiyaha Yurub u qaabilsan muhaajiriinta, Dimitris Avramopoulos, ayaa sheegay in dalalka Midowga Yurub looga baahan yahay in ay xalka wadajir u raadiyaan.

Dhanka kale, waxaa weli qasan xaalka caasimada dalka Hungry ee Budapest, halkaasi oo booliska ay muhaajiriin badan ka hortaagan yihiin in ay raacaan tareennada u socda dalka Austria.

Ra’iisul wasaaraha Hungry Viktor Orban, ayaa sheegay in xiisadda ka taagan caasimaddiisa ay tahay mid uu abuuray Jarmalka, maadaama muhaajiriinta ay doonayaan in ay gaadhaan dalkaasi.

Dhibaatada ay maraan muhaajiriinta gaaraya Yurub, ayaa si weyn indhaha caalamka u soo jiidatay, kaddib markii Arbacadii la helay sawir muujinaya meydka wiil saddex jir Suuriyaan ah, oo kusoo caariyay xeebta Turkiga, kaddib markii ay degtay doon uu la socday.