Yurub oo isku mari la’ qeybsiga qaxootiga

150904183347_migrants_walking_towards_vienna_512x288_bbc_nocredit

 

EU(SLpost)-Ra’iisul wasaarayaasha afarta dal ee kala ah Jamhuuriyada Czech, Poland, Slovakia iyo Hungary ayaa diiday in Midowga Yurub uu u jaangooyo tirada qaxootiga ay aqbalayaan.

Ma muuqato calaamad muujineysa in Midowga Yurub uu isaga soo dhawaanayo arrinta ku aaddan in si cadaalad ah ay dalalka xubnaha ka ah u qeybsadaan tobanaanka kun ee qaxootiga ku ah soohdimaha Yurub.

Ra’iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa sheegay in xiisadda hadda taagan ay qeyb ahaan mas’uul ka yihiin siyaasiyiinta Yurub.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiintaasi ay qaxootiga ku dhiirigelinayaan in ay u socdaalaan dalalka galbeedka Yurub, ayagoo og in dalalka ay Hungary ka midka tahay uu waajib sharci ah ka saaran yahay in ay joojiyaan safarada qaxootiga noocaasi ah.

Hogaamiyayaasha afarta dal ayaa ku tilmaamay hannaanka qeybsiga qaxootiga mid horseedaya in dad badan ay badaha isku soo biimeeyaan ayna qaarkood ku dhintaan.

Taa bedelkeeda hogaamiyayaashi ayaa ku talinaya in xoogga la saaro ammaanka soohdimaha Yurub, iyo ilaalinta sharafta nidaamka isu socodka ee ay ku mideysan yihiin inta badan dalalka Yurub ee loo yaqaano Schengen.

Dhanka kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Yurub ayaa soo jeedin in la sameeyo tareenno khaas ah, oo qaxootiga Suuriya kasoo daabula Hungry isla markaana geeya Jarmalka, ayaga oo aan ku joogsan doonin Slovakia ama Jamhuuriyada Czech.

Balse qorshahaasi ayaa waxaa lagu xiray in xukuumadda Berlin ay dal ku gal siiso qaxootiga dalkeeda la geynayo.