Yurub Oo Isku Khilaafsan Maaraynta Tahriibayaasha Ku Soo Fatahay

EU(SLpost)-Hogaamiyaha dalka Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay ka digtay in midowga Yurub aanu u ogolaan Giriigga inuu qalalaaso ka keeno in dalalka deriska la ah loo ogolaado inay xuduudahooda ka xidhaan tahriibayaasha.

Dad aad u badan ayaa maalmahan ku xayiran dalka Giriigga, kaddib markii la adkeeyay ilaalada xuduudaha iyo jidadka u jiheysta dhanka waqooyiga Yurub. Mrs Angela Merkel waxa ay sheegtay in dalalka aagga Yurub umaysan dagaallamin in Giriigga uu lacag gooni ah yeesha sanadkii tagay.

Waxa ay cambaareysay dalalka sheegay inay si seddax geesood ah u shaqeynaayaa, oo ay xuduudahooda adkeynaayaan, giriiggana ay dibadda uga tagayaan. Meelaha fog ee looga tahriibayo Yurub waxa ay noqotay mid gooban, laakiin waxaa halis ah badda u dhexeysa Giriigga iyo Turkiga ee tahriibayaasha ay ka gudbaan.

Giriigga waxa uu muddo bilo ah wadaa sidii uu u xakameyn lahaa kumannaan qof oo maalinkastaa dalkiisa gaadha, laakiin dadkaasi tirade badan hadda ma awoodaan inay safarkooda sii wataan.

Qalalaase cusub ayaa soo baxay iyo Midowga Yurub oo kala kulmaya caqabado aan loo qasdin.