Yurub oo dib u celinaysa qaxootiga dhaqaale doonka ah

EU(SLpost)-Madaxa arrimaha socdaalka waddamada reer Yurub ayaa ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha dadka tahriibiya, waxa uuna wacad ku maray in dib loo celin doono muhaajiriinta Yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya awgood.

150820131657_migrants_bbc_512x288_bbc_nocredit

Haseyeeshee waxa uu sheegay in in tobanaanka kun ee qof ee ka soo cararaya meelaha ay colaadda ka jirto ay xaq u leeyihiin in ay Yurub sii joogaan. Cadaadiska iyo dhibaatada ka dhalatay dadka tirada badan ee magangelyada u soo raadsanaya waddamada reer Yuurb ayaa waxa ka dhalatay walaac ay qabaan waddamo badan.

Balse madaxa arrimaha socdaalka ee midowga Yurub ayaa sheegaya in midowga yurub ay saaran tahay mas’uuliyadda ah in uu caawiyo muhaajiriinta, taasi oo laga yaabo in waddamada qaar ayba haatan sameynayaan wax ka badan awoodooda.

Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu sheegayaa in uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamad sida Suuriya, Libya iyo Eretria iyo kuwa yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya. Waxa uuna intaasi ku daray in muhaajiriintu doonaya noolal ka wanaagsan tan ay waddamadooda ku haysataan oo kaliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamadooda.