Yuhuudda ku Dhaqan Waddanka Guatamela oo La Kulmay Qax iyo Barokac la mid ah Xasuuqii Gaza laga geystay

Hargeysa (SLpost)- In ka badan 230 Yuhuud ah oo dhaqan Galbeedka waddanka Waddanka Guatemala ee ku yaala qaaradda Latin Ameerika, ayaa ka barokacay guryahoodii, ka dib markii ay kacdoonno kaga yimaaddeen bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Qoysas asalkoodu ka soo jeeda qoomiyadda Yuhuudda ee Lev Tahor oo dalkaas u haajiray wakhtiyo hore, ayaa lagu khasbay inay ka guuraan guryahooda oo ku yaala tuulada San Juan ee galbeedka dalka Guatamala, ka dib markii ay kulan la yeesheen wax-garadka qoomiyadda Mayan oo ka tirsan Hindida asal ahaan loogu tagay qaaradda Latin Amerika.

YuhuuddaQoomiyadda Yuhuudda ee ku dhaqan tuuladaas ayaa lagu eedeeyey inay ku kaceen xad-gudubyo ka dhan caadooyinka ay dhaqan u leeyihiin bulshada Mayan-ka oo badankoodu yihiin dad cawaan ah oo ka xidh-xidhan shacabka ku dhaqan dalkaas.

Todobaadyadii u dambeeyey wax la arkayey dadka Yuhuudda ah oo isu diyaarinaya inay ka guuraan tuulada San Juan oo 150KM dhinaca Galbeed kaga beegan caasimadda dalka Guatemala.

“Waxaanu nahayd dad nabad lagu yaqaano, si aanu uga hortagno dhibaato dhacda, waxaanu go’aansannay inaanu iskaga guurno halkan,” sidaas waxa yidhi Tahor oo ka tirsan dadka Yuhuudda ah oo la bara-kiciyeyh. “Xaqbaanu u leenahay inaanu halkan joogno, laakiin waxay noogu hanjabeen inay na laynayaan haddii aanaan ka tagin.”

Dadka deegaanka ku dhaqani waxa ay ku eedeeyeen Yuhuudda inay faro-geliyeen caadooyinkooda isla markaana ku khasbeen dadka kale inay diintooda qaataan.

jews“Waxaanu sidan u samaynay inaanu difaacno Sharafta iyo xuquuqda ay leeyihiin dadka u dhashay deegaankan. Dastuurka Guatemala ayaa ilaalinaya xuquuqdayaa, maxaa yeelay waxaanu u baahannahay inaanu ilaalino dhaqankayaga iyo diintayada,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay golaha odayaasha oo lagu magacaabo Miquel Vanquez.

Tallaabada ay shacabka ku dhaqan dalka Guatemala kala hortageen Yuhuudda ku dhaqan dalkooda, ayaan ku koobnayn tuuladaas oo kaliya, balse waxa muddooyinkii u dambeeyey socday kacdoonno dawladda Guatemala lagaga dalbaday inay dalkooda ka mastaafuriso dadka Yuhuudda ah ee ku dhaqan.

Waddanka Guatamela ayaa ka mid ah lix waddan oo ka tirsan qaaradda Latin Amerika, kuwaas oo xidhiidhka dibloomaasiyadeed u jaray dawladda Israa’iil muddadii uu socday dagaalkii lagu xasuuqay shacabka Falastiin, iyaga oo safiirradoodii u joogay dib uga yeedhay.

SOMALILANDPOST.NET