Yoweri Museveni Oo u Guulaystay Doorashada Ugandha Oo uu Sodon Sano oo Horena Horfadhiyay

Ugandha(SLpost)-Guddiga doorashada ee dalka Ugandha ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in uu ku guuleystay doorashadii dalkaasi.

160218165858_uganda_president_yoweri_museveni_512x288__nocredit

Yoweri Museveni ayaa mar shanaad qabanaya xilka madaxtinimada ee dalka Ugandha oo uu ka arriminaayay 30kii sano ee la soo dhaafay.

Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in Museveni uu helay inta badan codadkii la dhiibtay oo gaadhaya boqolkiiba 63.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayey u badan tahay inuu kordhisto xilligii sodonka sano ee Ugandha uu xukumaayay.

Natiijada hordhaca ah waxa ay muujineysaa inuu helay in kabadan boqolkiiba 60da codadkii la dhiibtay.

Ninka matalaya mucaaradka ugu wayn, Kizza Besigye, waxa uu illaa iyo hadda haystaa 34 boqolkiiba.

saaka, Korjoogtada midowga Yurub ee kusugan Ugandha ayaa waxa ay dhalleceeyeen sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ee madaxtinimada iyo baarlamaanka ee dalkaasi.

Mid ka mid ah indha indheeyayaasha oo ka socda baarlamaanka Yurub, Jo Leinen waxa uu sheegay in codeynta ay hareysay akhbaaraad waxrbaahineed oo aan cadaalad ahayn.

Wuxuuna intaa raaciyay in doorashada lagu qabtay jawi cabsi iyo caga jugleyn ah oo shacabka iyo musharrixiinta ay la kulmeen.