Yoolka Shanaad ee 17ka Yool ee Adduunyadu Beegsanayso: U sinaanta Lamaanaha

 

Yoolka 5naad ee 17ka yoolee lagu sugaayo horumarinta caalamka 15ka sano ee soo socdaa waxaa weeye “U sinnaanta laammaanaha” oo looga jeedo in ragga iyo Haweenkuba hellaan xuquuq siman dhinca masuuliyadda, fursadaha shaqo iyo xuquuqaha kale ee aadamaha. yoolani wuxuu leeyahay 9 bar-tilmaameed oo la rabo in la xaqiijyo si loo hubiyo gaadhitaanka yoolkan oo kala ah:
in aduunyada oo dhan laga cidhibtiro noockasta oo ah takoor  ka dhan ah haweenka iyo hablaha (gabdhaha) oo aduunyada ka jira.

 

Cidhibtirka dhammaan noocyada gaboodfallada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha ee ka dhaca xarumaha dawliga ah iyo goobaha gaarka loo leeyahayba, tacadiyadaas oo ay ka mid yihiin ka gacansiga jidhkooda, tahriibka, iyo noocyada kale ee xadgudubyada ah
Dabargoynta caado dhaqameedyada dhibaatada leh sida gudniinka gabdhaha, guurka qasabka ah iyo faroxumaynta caruurta.

Waa in tixgelin gaara la siiyaa helitaanka daryeel lacag la’aan ah iyo in fiiro gaara loo yeesho shaqo hoosaadka guryaha iyadoo la meel marinaayo shuruuc lagu hagaajinaayo shaqaalaha rayidka ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyaasado sugaaya adeega bulshada iyo ilaalintoodaba si loo hubiyo in qoosku wadaago masuuliyadda guriga  hab-dhaqanka wadankaas.

Waa in la meelmariyaa ka qayb galka dumarka ee hogaaminta iyo siyaasadda; sidoo kale waa in ay helaan fursad la siman ragga markay noqoto go’aaminta siyaasadda, dhaqaalaha iyo masiirka ummadda.

Waa in la hubiyaa helitaanka xuquuqda iyo caafimaadka taranka si loo dhaqan geliyo bayaankii shrikii Bijiin iyo go’aamadii kasoo baxay shirarkii kadanbeeyey ee dib loogu eegay bayaanka shirkaas.

Waa in dib u eegis la sameeyaa si loo hubiyo in dumarku helaan xuquuq dhaqaale oo la mid ah ragga iyo sidoo kale xuquuqda lahaanshaha dhulka, adeegyada dhaqaale, dhaxalka iyo khayraadka kale iyadoo loo eegaayo xeerarka wadankaa.

Waa in la horumariyo adeegsiga tiknologiyadda ee haweenka si loo kobciyo awoodda dumarka ee ka qayb daashada horumarka casriga ah.

Waa in la meel mariyaa siyaasado wax ku ool ah iyo shuruuc la fuliyo oo sare u qaadaaya xuquuqda lamaanaha iyo kartigelinta haweenka iyo hablaha heerkasta oo ay yihiinba.

 

la soco yoolka 6aad

waxaa soo turjumay
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com 063 4009009