Yemen Oo Caalamka Ka Codsatay In Ciidamo Dhulka Ah Degdeg Loogu Soo Diro Dalkeeda

New York, (SLpost)- Safiirka qaramada midoobay u fadhiya dalka Yemen Khaled Alyemany ayaa ku baaqay in caalamku ciidamo gudaha ah u soo diraan dalkiisa, gaar ahaan waqooyiga oo uu sheegay inay awood ku leeyihiin kooxda Xuutiyiintu.Khalid Al-yemeny

“Waxaanu ka codsanaynaa beesha caalamka inay si degdeg ah faro-gelin ciidan oo gudaha ah ku samayso dalka Yemen, si loo badbaadiyo dadka ku nool Cadan iyo Ticis” ayuu ku sheegay  Khaled Alyemany qoraal uu u gudbiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay arbacadii shalay.

Ugu yaraan 120 qof ayaa lagu dilay magaalada dekeda ah ee Cadan ee dalka Yemen, kuwaasoo ku naf waayay dagaalka u dhexeeya, taageerayaasha madaxweynaha dalkaas Abd-Rabbu Mansour Hadi iyo kooxda Xuutiyiinta.

Dadka dhintay ayay 40 ka mid ahi ahaayeen dad shacab oo ka qaxayay dagaalladaas oo arbacadii shalay sii xoogaystay., sida ay qortay wakaallada wararka ee Reuters waxaa dadkaas laayay kooxda Xuutiyiinta ah ee hore xukunka uga tuurtay madaxweynihii, isla markaana taageerada ka hesha dalka Iran ee Sucuudiga iyo xulafo uu hogaaminayaan dagaalka kula jiraan.

Somalilandpost.net