Yemen: Askari isu beddelay Naftii-hure oo galaaftay nolosha 120 ciidamada dalkaas iyo dhaawac tiro beelay

[S]anca (SLpost)-Ugu yaraan Boqol iyo labaatan qof ayaa ku dhintay Magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yemen kadib markii saaka subaxnimadii uu ruux miidaamo ahi uu isku dhex qarxiyay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka-sida oo samaynayay Socod Gaaddo ka ciyaar ah.

Ruuxa weerarka miidaamada ah fuliyay ayaa la sheegay inuu xidhnaa lebbiska ay qaataan Milateriga wadankaasi,waxaana weerarkaas is qarxinta ah ku dhaawacmay laba boqol oo askari.
Saraakiisha dawlada Yemen ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay fagaare u dhow Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Sanca.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca Magaalada Sanca tan iyo markii Madaxweyne Cabdi-Rabu Mansuur Al Haadi loo dhaariyay jagada Madaxtinimada ee Wadanka Yemen horaantii Bishii February .

Bilawgii bishan ayuu madaxweyne Haadi amar ku bixiyay in hilfaha loo qaado kooxaha xag jirka ah ee xidhiidhka la leh urur-weynaha Al-Qaacida.

Decreeto Madaxweyne
Dhanka kale, digreeto ka soo baxday aqalka madaxtooyada dalkaas ayaa xilalki ay hayeen lagaga xayuubiyey saraakiishii ugu sarraysay Amniga dalkaas ka dib markii ay masiibadani ku habsatay ciidamada.
Digreetada oo uu ku saxeexnaa madaxweynaha dalkaas ayaa xilalka lagaga qaaday taliyihii Xarunta dhexe ee Xoogagga Amniga Abdul-malik al-Taib, Taliyihii Qaybta Badbaadada Mohammed Abdullah al-Qawsi iyo ku-xigeenka Taliyaha Sirdoonka Qaranka, waxaanu madaxweynuhu jagooyinkaas u magacaabay masuuliyiin cusub. Fadhal Yahya al-Qawsi waxa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Xarunta Dhexe eeXoogagga Amniga, Mohammed Jamee al-Kadar waxa loo magacaabay Taliyaha Sirdoonka halka Hussein Mohammed al-Radhai loo magacaabay inuu la wareego Waaxda Badbaadada Qaranka.

Al-Qaacida oo Khasaaraha Sheegatay
Kooxda Ansar Al-Sharia oo ay xidhiidh leeyihiin urur-weynaha Al-Qaacida, si ballaadhan-na uga hawl-gala gobollada Abyan iyo Shabwa ee Koonfurta Yemen, ayaa warku tibaaxayaa inay sheegteen masuuliyadda weerarka ay askarta badan ku dhimatay ee ka dhacay magaalada Sanca.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net