Yagoori: Shil Baabuur oo ay ku dhinteen Dhammaan dadkii Saarnaa

Yagoori (SLpost)- Alle ha u naxariistee Shan qof ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka degmada Yagoori ee gobolka Sool.

Baabuurka Shilka geystay oo Noha Mini Bus oo siday Jaad kuna sii jeeday magaalada Laascaanod, ayay ku geeriyoodeen dhammaan dadkii saarnaa waxaana maydadkooda la geeyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood markii dambe waxa lagu xabaalaha magaalada.

Lama garanayo sababta keentay shilka baabuur ee ay shanta qof ku geeriyoodeen, balse waxa isla markiiba goobta shilku ka dhacay gaadhay ciidamada nabad-gelyada waddooyinka oo bilaabay baadhitaan ay ku ogaanayaan sababta shilka keentay.

Shilalka ka dhaca gobolka Sool ayaa wakhtiyadan danbe ku soo badnaaya deegaamada gobolkaas gaar ahaan magaalada Laascaanood, iyadoo dhawaan shil noocan oo kale ahi ka dhacay magaalada Lascaanood waxaana ku geeriyooday tiro dad  ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net