Yaab:-Muran ka bilawday laacibnimada Messi iyo Ronaldo oo geeri sababtay

Nin ayaa la dilay kaddib markii ay saaxiibkii isku maan dhaafeen midka laacibsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

haa

Booliiska dalka Hindiya ayaa sheegay in Michael Chukwuma, oo 21 Nijerian ah uu tooriyeeyay saaxiibkii Obina Durumchukwu.

Dhacdada labadan nin ee Nigerianka ah dhex martay waxay ka dhacday xaafad Mumbai ku taala oo sabtidii lagu qabtay xaflad.

Af hayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in labada nin ay kala taageersanaayeen Messi iyo Ronaldo.

Intii ay kawada hadlayeen labadaasi laacib ayuu muran ka dhex dhashay, ninka dhintay ayana dhalo wajiga kaga dhuftay midkii kale taas oo sababtay dhaawac sahlan.

Eedaysanaha hadda lahayo ayaana dhalo jaban qaatay oo galiyay ninka dhintay taas oo horseeday dhiig bax aad u badan oo uu markii dambe u geeriyooday.

Messi oo reer Argentina ah da’diisuna 28 tahay wuxuu shan jeer ku guulaystay laacibnimada adduunka isaga oo helay abaalmarinta Ballon d’Or.

Ronaldo oo ah kabtanka Portugal dad’diisuna tahay 31 jir wuxuu isna abaalmarintaas ku guulaystay saddex jeer.

BBC