Yaa U Aano Ah Xoolaha La Soo Celiyey – W/Q: Dr. Nimcaan Cabdillaahi Rashiid

Anigoo tixraacaya mawduuca ku saabsan Xoolaha Nool ee afartii bilood ee u dambeysey ee sanadkan si isdeba jog ah loogu soo celinaayey dekeda Berbera ee wargeysyada dalku si kulul ay ugu daabacayeen, bogaga hore ee joornaalada hase yeeshee aad moodo inaan dheg loo dhigin, qaylada ganacsatada xoolaha nool kaga cabanayaan khasaaraha soo gaadhay.

Haddaba markaynu eegno dooda ganacsatada Xoolaha ,garnaqsiga dalabta leh ee Wasaaradda Xoolaha iyo hagar daamada maxjarka Xoolaha ee Jaabiri. Waxaa muuqata in denbi qaran halkaas ka dhacay loona baahnaa in si qotodheer xukuumadu u baadho denbiga dhacay iyada oo u xilsaaraysa Guddi xeeldheerayaal caafimaadka Xoolaha oo darsa denbiga dhacay, cidda ka masuulka ah lana horgeeyo sharciga.

Haddaba waxaan qabaa in Xoolaha nool yihiin loona aqoonsado Hanti qaran (National asset) loona baahan yahay in si adag loo ilaaliyo daryeelkooda.Haddaba su’aalaha ilaa hadda layska waydiinayo khasaaraha ka dhashay Xoolihii laga soo celiyay dalka Sucuudiga ee lagu soo ceshay Dekadda Berbera oo ay markii hore ka dhoofeen ayaa waxay yihiin sidatan:

  1. Ma waxaa ka masuul ah shirkada Jaabiri ee Maxjarka Berbera?
  2. Ma waxaa masuul ka ah Dhakhaatiirta Soomaalida ee ka shaqeeya maxjarkay Xoolahaasi lagu baadhay mise kuwa Ajaanibka ah ee haysta meesha?
  3. Ma waxaa ka masuul ah ganacsatada iyagu meesha Xoolaha marsada (jeeblayaasha) ?
  4. Mise waxaa ka masuul ah Wakiilada maxjarka jaabiri?
  5. Mise Wasaaradda X. Xoolaha iyo shaqaalaheeda?

Markaa, madaxwayne waxaan talo ku soo jeedinayaa in aad Xoolaha oo ah waxa keliya ee imika aynu ku noolahay in wax laga qabto si dhakhso ah, si looga hortago xayiraad lagu soo rogo dhoofka xoolaha. Ka madaxweyne ahaana aad maamulkooda xooga saartid. Adiguse maxaad ku talin lahayd Madaxwayne?

 

Qalinkii: Dr. Nimcaan Cabdillaahi Rashiid

Freelance Veterinary Doctor

Berbera Somaliland