Yaa Qabyaalad Dheefsadey Yayse Hagtaa?

 

Hadaba sidaynu maalimahan lasocono waxaa xogaystey in si qaawan loo isticmaalo qabyaalad oo aad arkeyso dadkii oo aan ka xishooneyn oo shaashadaha lasoo fadhiya qabyaalad qaawan dhamaan dhalinyaro, aqoon yahayan iyo odayaalba oo waliba isla toosan hadaba markaa aynu fahanu  maxay tahay qabiil iyo qabyaald QABIIL:- Qabiil waa qaab dhismeed jiritaanka Qawmiyad meel ku wada nool qaybaheeda hoose ee ay u kala baxday, waxayna u sii kala baxdaa jilib- jilib/laf-laf, reer-reer degaanadooda iyo degmooyinkooduba u kala gaar ah haddii ay doonaan isku baad biyo ba wadaagi kara. Dhaqan ahaanna taariikh soo jireen ah lahaan jiray oo xeerar wanaagsan isku dhaqi jiray iskuna hoggaamin jiray qarniyadii hore, saamayn weynna ku leh bulshooyinkeenna xoola dhaqatada ah dhexdooda.
QABYAALADDA
Ku dhaqanka afcaasha iyo ablayaasha taban ee qabiilka ayaa la yidhaahdaa qabyaalad. Qabyaaladdu waxay timaaddaa marka qabiilka loo isticmaalo wax kasta oo ka soo horjeeda sifooyinkiisa wanaagsan. Dhanka togan ee qabiilku waa ula jeedka xaqiiqiga ah ee Alle u abuuray. Haddaynnu si kale u nidhaahno, qabyaaladddu waa u adeegsiga magaca qabiilka dano gaar ah oo aan bulshada midayanin. Sidoo kale, qabyaaladdu waa marka magacyada qabiilka loo isticmaalo kala sarraysiinta bulshada, kala faquuqidda, kala qoqobka, iyo isliidka bulshada dhexdeeda ah. Qabyaaladdu waa marka aad laba qof ku kala dhaweysato ama ku kala jeclaato abtiirsiimada. Waxaan odhan karaa afcaasha ama ablayaasha taban ee qabiilku waa danaysiga qabiilaysan (danta ku dhisan anfac siinta qabiil gaar ah), is dulleynta reeraysan (bulshada oo loo kala sarraysiiyo hayb ahaan), is collaysi iyo cadaawad ku salaysan abtirsiinyo hayb hayb ah.
Maxay diintu ka tidhi qabiilka ama in uu qofku qabiiliste yahay oo aan islaamnimada shaqo ku lahayn ama in uu muslim yahay oo aan shaqo ku lahayn qabiilka. Al-Xujuraat,aayad lambar 13, Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu qur´aankiisa ku yiri: dadow, waxaan idinka abuuray,lab iyo dheddig,waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu garataan,ruuxase ugu sharaf badan oo ugu karaamo wanaagsan Rabbi agtiisa,waa qofka ugu dhawrsasho badan oo ugu taqwada fiican,Allahna wax walba waa ogyahay. Markaa waa labo mid uun ama in uu qofku qabiiliste yahay oo aan islaamnimada shaqo ku lahayn ama in uu muslim yahay oo aan shaqo ku lahayn qabiilka.
Hadaba Marka laga hadlayo xumaanta qabyaaladda meel kale ha ka doonin ee bal u fiirso soomaalida. Waxa maanta gumeeyey waa qabyaaladda, waxa kala irdheeyey waa qabyaalad, waxa kala qoqobay waa qabyaalad, waxa gunnimada, saboolnimada, jahliga, dulliga, iyo darxumada ugu wacani waa darajada ay ka gaadheen qabyaaladda. Meel aad u sarreysa oo bulshooyinka adduunku malahayga hore aanay uga gaadhin dib na aanay uga gaadhayn ayay soomalidu qabyaaladda ka gaadhay. Hadaba qabyaaldi waxay bulshada usii kala saartaa qoys qoys ilaa odey odey bay usii qaybsi oo kuwii isku qabiilka ahaa baa kala qoys noqda oo is colaadiya hadaba bulshada dhamaanteed wey ogtahay inaaney qabyaaldi dheef lahayn oo xin iyo xaasid abuurto hadaba yaa qabyaalad dheefsadey yayse hagtaa.

  • Qof maanagaab ah (low-level intelligence) oo kalsooni daro haysato sida
  • Dadka aan maskaxdooda kaga shaqeesan karin oo aan ku kalsoonayn fikradaha maskaxdooda ka soo go’a.
  • Dadka uu haysta inay fikradahooda ka liitaan fikradaha dadka kale.
  • Dadka iska aamina wax kasta oo uu u sheego qof ay isku qabiil yihiin.
  • Dadka laga dhaadhcin karo sheekooyinka halaasiga ah sida qabiilka iyo khuraafaadkiisa.
  • Dadka aan baadhitaan (RESEARCH) sameen karin si ay u ogadaan xaqiiqda.
  • Qof fulay ah oo ka baqaya in reerkiisu ku qoslo hadii fikradiisu tooda ka duwanaato.
  • Qof aaminsan inaanu noolaan karin qabiil la’aantii.
  • Qof aamisan inaanu shaqo fiican heli karin qabyaalda la’aanteed.(markaa waa inuu qabyaalad ku shaqeeyaa markuu xil qabto).
  • Qof sidiisaba ka baqa inuu waxa saxa ah sameeyo maadaamaa dad badani ay kugu kacayaan markaad waxa saxa ah sameesid.
  • Qof aan wadaninimo lahayn oo qabiilkiisu wadanka kala weyn yahay

By abdiqaadir Maxamed Ibraahim
Abdiqaadir300@gmail.com
Tell 4415327