YAA HANTIYAA GUUSHA GUURKA?? BY: JAMA HASSAN (JAMA RAAN)

Noolasha aynnu ku noolaha baa ku salaynsan, amma ku dhisan wax soo saar, dadkan ku nool adduunkan dushiisa, muslin iyo gaalba waxa ay ka soo farcameen, aadan iyo xaawo, iyagga bar-bilow u ahaa, ka dib takfiirtoodii baa labbo labbo laysugu guuriyey, si tarantu u sii socoto, loona helo dad ku dhaqnaada kawnkan aynnu ku noolahay.

Haddaba “yaa hanta guusha guurka,” yaa libin ka gaadha, waa su’aal mudan in lays weydiiyo, jawaabteedda waxa aynnu qormaddan ku falanqayn doonaa, talladan ku aadan, ku socotaa, inta guursaday, ee aan dhadhaminin, macaanka wadda noolaanshaha, inta guur niyadda ku haysaa, inta u hanqal taagaysaa, inta jecel ka hadalka, amuuraha qoyska, waxba ku dheeranmaayo amma hor-dhaca ku daahimaayo, waxaan si toos ah u bilaabayaa mawduuca.

Is doorashadda, iyo is jeclaanshaha midba midka kale u hayo, xilliga loo hagmayo, is hanashadda, jacaylkaasi waa ballaan-qaad, mana ahaa, darreen kelliya.

 Had iyo jeer u jawaab ninkaaga/gabdhaada/ xaaskaaga, markay ku soo wacdo, ku soo garaacdo, ammba uu ku soo waco, haddii ay habboon tahay, xidh amma aamus- ma hadalaha geli mobilkaaga aminta aad labbadiina uun tihiin.

 Muhiimadda siiya waqti in aad wadda qaadataan, weliba habbeenimadkii in aad dibbada ka soo wadda cashaysaan, oo aad maal gelisaan guurkiinna baa qurux badan, siddaas buu xidhiidhkiinnuna ku jirayaa abid.

 Isku xeera asxaabtiinna inta xoojinaysaa, dhismaha reerkiinna, kanna fogaada inta xuma wadayaasha ah, ku hirtaa inta dhaqanka wanaaggsan.

 Xaalad kastoo aad ku jirtaan baadi-gooba farxadda, labbadiinna weji, ha isu riyaaqeen, si kastoo aad waqti adag ugu jirtaan, haddana yey kala dhantaalin dhismaha qoyskiinna.

 Xasuusnow, dood kastaa waxa ay leedahay, guul iyo guul-darro, labbadiinnuna waad wadda guulaysan kartaan amma waad wadda guul-darraysan kartaan, laakiin xalka wadda raadiya.

 Waa naadir ammba waa dhifdhif guurarka ay is helaan labbo xoogani, labbo qalbigga ka xoogan maaha, qaar,jidhka amma muruqyadda, waa in laysu hiilliyaa, garab laysi siiyaa, marka mid diciifo.

 Ahmiyad- siinta xidhiidhka gogosha, waayo waxay adkeeysaan, jirritaanka qoys, waxay ka muuqataa, carruurtooda haddii alleba ku irsaaqay.

 Niyadda ku hay, in aanu guurku ahayn 50% sidda furitaanka, laakiin se uu yahay 100%, maaha wax walbo kala kaxeeya reerka, ee wax kastoo isu soo dhawaynaaya.

Is siiya waxyaalaha wan-wanaaggsan, laakiin ha is siinin, hadhaayadda, idiinka oo u huray meelo kale, wixii looggu tallo-galay, in aad idiinku ugu horayn is siisaan.

 Bartaa dadyowga kale, laakiin ha is barbar-dhigina nooloshiina iyo toodda, maxaa leey, in ay lumid farro badan idiin hor seedo, baa laga yaaba, oo aad qorshaha alle ku qanci waydaan, laakiinse haddii aad indhihiinnu ku koobnaadan waxaad haysataan, ilaahay baa idiin barakayn, idiinna macaanayn doonaa.

 Ha hakininaa, geedi socodkiinna reernimo, xilliga aad korinaysaan, carruurtiinna, isku wadda labbada dhinacbaa.

 Ha kala qarsanina siraha, waayo isku kalsoonaanta bay diciifisaa, xidh xidhnaan bay keentaa.

 Been ha isu sheeginnaa, waayo is aaminaadii baa meesha ka baxaysaa, is aaminsanaantu waa asaaska qoyska.

 Markaad khalad idiinka dhaco is cafiyaa, waayo is cafigu wax buu daaweeyaa, waxba ma dumiyo, waxna ma dhimo, sidda rasuulkeennii (NNKH) laga weriyey, “kalmadda wanaaggsani waa sadaqo”.

 Marka ninkaaga/ haweenaydaadu, khalad ku dhaco, is deg deg ah u saamax, waayo, dadkuba wuu wadda khaldamaa, alle mooye, taasna waxa ay u soo celinaysaa, xidhiidhkii idiinka dhexeeyey ee wanaaggsanaa, dheh uun wan kugu gefaye i saamax, wan ku jecelahaye, i saamax, tallaabo horu-mareed baad qaadaysaan.

 Isu samra “samraaba sedkii helee” aad sacaadada nooloshaa heshaane

 U noqoda tusaale, carruurtiinna, si inankuna u noqdo aabbe wanaaggsan, say u qalma booskiisa, inantuna u noqoto hooyo wanaaggsan, oori lagu daydo.

 U noqo saygaaga/ ooridaada, dhiiri-geliye, boorriya, laakiinse ha noqonin mid dhaleeceeya, han-jebiya, noqo ka ilmadda ka tira, ha noqon ka sababa xumaha iyo dhibta soo gaadha.

 Ha uga sheekayn xumaha ninkaaga/islaantaada/gacalisadda, meel walba ka sheeg wanaageedda, wanaaggiisa.

 Wadda ducaystaa, allena wuu idiinka wadda aqbaliye, quluubtiinna mideeya, isu calool xaadhnaada.

 Noqoda labbadii ka guulaystaa, kala tag, furniinka, dhammaan wixii idiinka fogaynaaya, ku lid ah dhismaha reerkiinna, dhisaaya, dhaliishiina, diidaaya, dheeli tirnaantiinna, ha iska dalbanina furniin, waxaa guurka ka midho dhalin karaa, labbo diiday, iska dhego maray, wax dadka kale leeyihiin ee xumaan ah.

FG. cidii dib u daabacaysaa, yeyna hilmaamin, amma ilaawin xuquuqda qoraaga, fadlan u dhawr.

 

Alla Mahad Leh!!!

 

Jama hassan Mohamed (Jama Raan)

Â