Yaa Ehel U Ah Hogaaminta Nolosha Ummada?

EHELQaabka aademuhu u nool yahay waa uu ka duwan yahay siyaabaha ay xayewaannaduu nool yihiin, wuxuunu u dhaqmaa hab bulshoinimo. Bulshaduna waxay ka kooban tahay shaqsiyaad isu tagtay, xidhiidhyo khaas ahina ka dhexeeyaan, oo dano isweydaarsaday , Si aanay isugu xad gudbinan waxay dantu ku khasabtay inay yeeshaan nidaamyo iyo xeerar dadka kala haga nin walbana dawgiisa mariya. Nidaamyadaasuna waxay keensanayaan in qof walba uu bulshada ku yeesho xuquuq ay khasab tahay in loo gudo, isna inuu u doodo xaq u leeyahay. Isagana waxaa waajib ku noqonaya xuquuq ay dadyawga kala duwan ee bulshadu ku yeelanayaan, lagana doonayo inuu ka soo dhalaalo. Waxaana umadkasta aan laga waayaynin qaar aan xaqooda ku qancayn, balse waxa dadka kale u hanqal taaga, iskuna daya inay sir iyo caadba ku helaan. waxa iyaguna garabsocda qaar kale oo aan ogolayn inay gutaan xuquuqda bulshadu ku leehay taasina waxay bulsho kasta ku bartay inay samaysato dad khaas ah oo inta awood gaar ah la siiyo, loo xil saaro ilaalinta iyo hirgelinta nidaam nololeedka bulshadu isku waafaqday in lagu dhaqo. marka aynu ka hadlayno xuquuqda qof leeyahay dhamaan umaddu way ka simantahay waxan tusaale u soo qaadan karnaa Nafta, Maalka, Sharfta, Caafimadka iyo Amaanka , si qof kastaa u helo xaqan qofnimo ayaa loo samaystay dad gaara oo laga soo xulay bulsho wayntii meel ku wada noolayd .

Dadkaas oo ah madaxda bulshada hoggaanka u haysa. Iyaguna waxay ummada ku yeelanayaan xuquuq ay ka mid tahay in la ixtiraamo lana adheeco, waxaana fuulaya waajib ah in awoodda xukun ee loo dhiibtay u adeegsadaan in ay ku fuliyaan nidaamka saxda ah ee bulshada u yaalla.                             Halkaana waxaa ka cad in bulshooyinka aduunka muslimiin iyo gaaloba aanay ka maarmin nidaam kala haga iyo madax leh awood ay nidaamkaas ku fuliso oo ku ilaaliso, Waxaase bulshooyinka kala sooca oo muslimiin iyo gaalo u kala saara waa nidaamka mabaadii’da ay kala aaminsan yihiin ee ay ku kala dhaqmaan. Nidaamkasta oo umadi ku dhaqantana wuxuu ka turjumayaa oo soo bandhigayaa hab dhaqanka iyo diinta ay ummaddaasi rumaysan tahay . Gaaladu nolosha aduunka way iska joogaan, mana garanayaan muraadka iyo danta ay u nool yihiin, halkay ka yimaadeen iyo meeshay u socdaantoona uma cadda. waxayna la mid yihiin dad inta indhaha laga xidhxidhay meel mugdi ah la lagusii daayey lagagana tegay, aqoona aan ulahayn qaabkii saxda ahaa ee loo noolaan lahaa, gabi ahaanba waxa haga oo nolo qiimo ugu yeela afkaarta dadkooda ay haldoorka ahi maskaxdooda ka alifaan ee ku wajahan nolosha taasi ooy ay inta badan ku keenan daraasad dheer oo waqti ka qaadata, waxa keliya ee indhahoodu qabteenna waa macmacaanka aduun ee naftu jeceshahay, ee hadii la helo la raaxaysanayo Markaa ayuu hadafkooda noqday sidii kor loogu qaadi lahaa wax kasta oo naftu jeceshay oo lagu raaxaysto, sida Alle inoogu sheegay qu’aanka markuu lahaa : {kuwa gaaloobay way iska raaxaysanayaan oo iska cunayaan sida xooluhu wax u cunaan,naarta ayaana hooy u ah.} suuratu Maxamed (12). Qofka ayaanka leh ee bulshadaas ugu qiimaha badanna waa midka ugu badsada helidda waxyaalahaas naftu jeceshahay ee lagu raaxaysto, qofkii raaxadaa waayana wuxuu isu arkaa dadka kalena ugu muuqdaa ruux hoogay oo ayaan daran, sida waaqaca nolosha laga arko kuna cad aayadaha Alle kaga warramayay sida gaaladu nolosha u aragto, sida markuu lahaa Alle(swt) {Marka Alle isagoo insaanka ibtilaynaya karaameeyo una nicmeeyo wuxuu odhan rabbigay baa i karaameeyay, markase isagoo ibtilaynaya uu risqiga ku cidhiidhiyo wuxuu odhanayaa rabbigay baa i dulleeyay} Alfajri (15,16). Nidaamka bulshada u yaallana waa mid ku salaysan xaqiijinta hadafkaas, oo wixii raaxo aduun lagu helayo waxaa loo arkaa xalaal dadka u bannaan iyadoon dan iyo muraad laga lahayn cidda ku dhib mudanaysa, wixii raaxadaa horjoogsanayana wuxuu agtooda ka yahay xaaraan aan sinaba u bannaanayn, si walboo qurux iyo wanaag uu u leeyahay.

Allena waa kii yidhi {Kuwa Alle ku kufriyay nolosha aduunyada ayaa loo qurxiyay} Al-baqra (212) . Si kale hadaan u nidhaahno, nidaamka bulshada gaalada u yaalla waa hawo iyo wax dad indho la’ iska jeclaysteen oo inta la qodobeeyay xeer iyo qaynuun lagu magacaabay, waana nidaam nolosha aadanaha hallaynaya oo holcinaya,si kasta kuwa dejistay ha u sheegtaan inay ka baaraan degeen oo ha dejiyeen aqoon yahanno iyo indheer garad, waa hawo xeerkeedu yahay la jiifiyaana bannaan. Waxa keliya ee noloshaa ka jirayana waa nolosha duur-joogta(jungle life),ee ka xoogga badani ka tabarta yar cunayo, cidkale oo ka sarraysa inta loo dacwoodo kala xaq soorina aanu jirin, sida sheekadii libaaxii, dhurwaagii iyo dawacadii inta ugaadhsi tageen helay biciid ,cawl iyo sagaaro, kolkaas uu libaaxii yidhi:- Dhurwaa ugaadha qaybi, dhurwaagiina yidhi:-Biciidka boqorkaa leh, cawshana aniga sagaaradana dawacada. Dabeed, dhurwaagii dharbaaxo labada indhood la gooyay lana dhul dhacay, weliba ili soo dhacday, kolkaasuu dawacadii ku yidhi:-Dayooy adigu qaybi. Dacawadii oo arkaysa waxa dhurwaa ku dhacay ayaa tidhi:- biciidku waa qadada boqorka,cawshuna waa cashadiisa,sagaaradun inta u dhaxaysa ha ku faakahaysto. markaasuu aarkii libaaxii inta dhaka faaray buu yidhi:- Naa hoogto yaa sidan caddaalada kuu baray?! markaasay ugu warcelisay :- sayidoow isha cali ka laalaadda ayaa caddaalada sidan u wanaagsan i bartay. Waxa maanta dulmi iyo xaqdarro ay gaalo aduunka ka wadaan waxay ula muuqataa wanaag iyo cadaalad tii ugu qiimaha badnayd, heer waxa Maraykan ku hayo Somaliya, Ciraaq, Afqaanistaan,iyo Falasdiin iyo qaar kale uu u arko inay maslaxado iyo cadaalad ugu muuqato.

Taana wax lala yaabo ma aha, ileen nolosha dhan waa wax lagu hagayo hawo iyo naf jeclaysi, oo innaba caqli iyo cilmi xag Alle ka yimid aan lagu hagayne. Allena suurada Ancaam aayadaha (135-150) wuxuu kaga warramay xeerarkii ay Carabtii gaalada ahayd isku dhaqi jireen, isagoo ku sheegay inay ahaayeen hawo raacid si kasta caqliga iyo cilmigaba uga fog, taasoo ah tusaale nalugu tusayo in hab-nololeed kasta oo aadanuhu dejisto uu sidaas oo kale hawo ugu dhisan yahay oo u kharriban yahay, Hadaba mar hadii nidaamka bulshada gaalada yahay mid ku socda hawadaa tilmaanteeda ugu muhiimsani tahay jaahilnimo iyo dulmi badni, wax lala yaabo ma aha in la isku tunto oo la iscuno, qolo walbana tay ka itaal roon tahay siday doonto ka yeesho oo u dulmido. Waxaana laga yaabaa dad badan oo ku indho sarcaaday xadaarada wadaniga ah ee Reer-galbeedka iyo teklinolojiyada ay ku hormareen inay la dhaka faaraan sawirka aan ka bixiyay nolosha jaahiliyada ah ee gaaladoodu ku nool yihiin ee tan xayawaanka koley ka liidata. Meesha wax lala yaabo ma jiraan, se sidaa baa dhab ah, maxaa yeelay, haday teknolojiyada ku hor mareen, xoolihii ay dunida kale ka biliqaysteenna dadkooda ugu raaxeeyeen,maxay tahay nolosha ay maanta dadkoodu ku nool yihiin?!. Waa nolol ka luntay hadafkii insaankan Alle karaameeyay ee aduunka

ballaadhan loo sakhiray loogu talo galay inuu u jihaysto oo qasad iyo yool ka

dhigto, kaas oo ah in muddada gaaban ee aadanuhu arlada joogo uu dedaalkiisu u

jeediyo siduu raali ahaanshaha Alle u kasban lahaa, si marka uu aakhiro rabbi hor tago

cadaab uga bedbaado ,jannana u helo.

Taa beddelkeeda, waxaay gaaladu hadaf ka dhigteen siday raaxo adduun iyo

badhaadhe nololeed uga haqab beeli lahayeen, iyagoo nolosha aakhiro ee abadiga ah aan

dan iyo muraadtoona ka lahayn, markaas ayuu qiimo beelay oo xoolaha na

ka hoos maray.

Allena wuxuu yidhi {Khalqiga waxaa Alle agtiisa ugu qiimo daran kuwa

kufriyay ee aan xaqa rumaynayn}Al-anfaal(55). waxaa kale oo uu yidhi:{Kuwa

kufriyay ee ehlu-kitaabka iyo mushrikiinta ah waxay gelayaan naarta jahannamo

kuna waaryaan.kuwaasna waa khalqiga kuwa ugu qiimaha daran}Al-bayina(6).

Marka odhaahda Alle war kama dambeeyo, kuwaasina sidaas bay Alle agtiisa uga

dhinteen ugana qiimo beeleen, xoolahana uga liitaan, mar haday hadafkii loo

abuuray seegeen oo ka lumeen, aduunka guudkiisana macne la’aan u joogaan.

Taa bedelkeeda bulshada muslimka ah hadafka ay aduunka u joogto waa u cad

yahay, qorshaheeduna wuxuu ku jihaysan yahay marka nolosha aakhiro la tago

inay ku guulaysato helista raali ahaanshaha Alle, si ay cadaabtiisa uga bedbaado,

jannadiisana u hesho.

Raali ahaashuhu wuxuu ku imanaya in mudada gaaban ee nolosha aduunka lagu

nagiyahay isaga keligii la talo saarto, noloshana loo cabiidiyo, isla

markaana wuxuu xaq i noogu sheego oo keliya xaqnimo loo qaato,wuxuu baadil

ku tilmaamona la wada tuuro, wuxuu xukmiyana hawraarsan la yidhaahdo oo si

buuxda loo aqbalo, iyadoo weliba lagu talo gelayo in hawada nafta gebi

Ahaanteedaba laga xoroobo, talo iyada ka soo fushayna aan dheg loo dhigin oo

la qaadan.

Halkaana waxaa ka cadaanaya farqiga u dhexeeya nolosha bulshada muslimka

ah iyo tan kufaarta, oo muslimiintu waxay hoggaanka noloshooda oo dhan u

dhiibeen Alle, talada na isagay siiyeen, halka gaaladu ay qabto in

nolosheeda ay xor u tahay sida la qumanaata oo hawadoodu jeclaysatana ay ku

soconayaan, Allena wax xukun iyo talo ah oo ay u aqoonsan yihiinna aanay

jirin.

Mar hadii muslimiintu hadafkoodu yahay raalli gelinta Alle, dan kalena aysan

nolosha ka lahayn, camalksata oo qofka muslimka ahi samaynayo waa mid laga

doonayo inuu Alle ugu dhowaado, kana dhigo mid dhanna sharcigiisa lagu

salaynayo, dhanna inuu nagu jeclaado looga dan leeyahay. Camalkaasi ganacsi ha

noqdo,ama qur’aan akhris,jihad, soon, taakulayn dad dhibban, xaq dhawr

waalid, salaad, booqasho walaal muslim ah oo buka , ka hortegida fasahaadka, faridda

iyo faafinta wanaagga iwm.

Dadka muslimiinta ahna maadaama ay rumaysan yihiin oo ku qanacsan yihiin

in Alle keligii uu xukunka iyo sharci u dejinta nolosha u xaq leeyahay isla

markaana hab-nololeedka uu dejiyay oo keliya raali ahaanshihiisa lagu gaadhayo mabda’

kasta oo kalena cadaab iyo cadho Alle lagu mudanayo,waxay isku waafaqsan

yihiin inay shareecadaa keligeed raacaan oo ku dhaqmaan.

Madaxda muslimiinta ah ee ay talada u dhiibtaanna waxay shaqadoodu ku kooban tahay in awoodda xukun ee loo dhiibay u adeegsadaan hirgelinta sharciga Alle, umaddana ku dhiiri galiyaan inay diinteeda ku dhaqanto oo rabigeed raalli geliso, kana horjoogsadaan u dhowaanshaha waxa

cadhada Alle iyo ciqaabtiisa u keenaya.

Maxaa yeelay raggaa muslimiint madaxda u ah, siiba Amiirka ama Imaamka ee

loo yaqaan {khaliifka} muslimiinta,wuxuu wakiil ka yahay rasuulkii Alle naxariis

iyo nabad gelyo Alla ha siiyee, wuxuuna kaga wakiil yahay shaqadiisii

ahayd ilaalinta diinta iyo in shareecada nolosha lagu dhaqo oo lagu maamulo.

Madaxda keliya maaha ee bulshada muslimka ahi waa mid iyadoo dhan ay

shareecadu xakamaynayso, markay tallaabo nolosheeda ka mid ah qaadaysana

dhawraysa sharciga Alle, waana dhici kartaa in shakhsiyaad ay hawadooda ka

xoog badiso oo axkaamta wax ka mid ah khilaafaan, taasina dhal aadane ayaa loo

yahay oo dad gefa la waayi maayo, laakiin waxaa jira sadex arrimood oo

bulshada u ah xayn-daab xumaanta ka horjoogsada, shareecaduna fartay in la xoojiyo kuwaasoo ah:-

 

1) Rumaynta Alle iyo maalinta aakhiro,rumayntaasina ma aha oo keliya in

caqliyan loogu qanco in Alle sifooyin qur-qurux badan iyo magacyo wanwanaagsan

leeyahay, iyo in aakhiro la isa soo bixinayo, ee waa rumayn qancidaas

caqliyeed ay u dheer tahay dareen maanka dadka camira, kana dheregsan:

  1. a) Weynanka Alle, awood badnidiisa, inuu adoonkiisa daalacanayo
  2. b) Waxa abaal ah ee rabi u galay, ee leh abuuris, arsaaqid iyo in khalqiga kale uu ka fadilay .
  3. c) Xikmad badnidiisa cilmigiisa ballaadhan, iyo shareecadan uu ugu naxariistay si isaga loogu sharfo oo loogaga ilaaliyo in cidhiidhi iyo ayaan darro qabsato. Arrimahaas oo qofka muslimka ah iyo bulshadaba ku dhalinaya dareen ah :Camalkasta oo qofka muslimka ahi sameeyo kana soo maaxa maankiisa inuu yahay maslaxadiisa aduun iyo tiisa aakhiroba. Sidoo kale rumaynta aakhiro wuxuu qofka mu’minka ahi had iyo goor is hordhigayaa isa soo bixinta, banka xisaabta, quruxda jannada iyo waxa raaxo dhex taalla,cadaabta iyo ayaan darrida dadkeeda haysata, waxaas oo ku dhalinaya cabsi noloshiisa gilgisha una diidda inuu waajibaad dayaco ama shay xaaraan ah ku dhoco, haduu dembi ka dhacana markiiba Alle u noqonaya oo toobad keenaya, isagoo weliba rajo iyo hunguri ka qaba inuu jannadaa qaaliga ah ku guulaysto. Marka iimaanka ammaanan ee la doonayo waa ka qofkiisa ku bixinaya inuu xuduuda sharciga ilaaliyo.

2) Bulshada muslimka ahi Maadaama rumaysan tahay in khayrka oo dhami ku jiro raacida diinta, khilaafidiisana halaag tahay, waxaa xeer u ah inay hor istaagto cidkasta oo hollisa ama isku dayda inay xuduuda shareecada ku tomato, iyadoo adeegsanaysa nidaamyada u yaalla farida wanaaga iyo reebida xumaanta, dadkana xaqa iyo khayrka jeclaysiinaysa, wacdinaysa, tusaysa fool xumada baadilka. Waxaas oo dhanna waxay keenayaan qofkasta oo iimaankiisu yara daciifo inuusan ku dhiirran bulshada dhexdeeda inuu xumaan iyo wax Alle ka cadhoodo ku sameeyo, haday dhacdo inuu wax sameeyana uu dhuudhuumasho iyo allow ceeb astur ku sameeyo.

3) Dawladda muslimada ah:- Mar haday diintu dawlad la’aan dayacmayso, waxaa muslimiinta waajib looga dhigay inay dawladaa dhisaan,taasoo nolosha ummada sharciga Alle ku maamulaysa, khayrka iyo wanaagana faafinaysa, irridkasta oo lagu gaadhi karana umadda u furaysa una fududaynaysa, Xumaanta iyo sharkana ka hor tegaysa dariiq kasta oo dadka u horseedayana awdaysa, ciddii fal xun ku dhaqaaqdana abaalkeeda marinaysa. Taasina waxay keenaysa in umaddu khayrka iyo raali ahaan shaha Alle u kala beratanto, noloshana laga waayo cid xumaan la ban baxda, ama ku dhiirrata inay meel fagaaro ah ku samayso.

Saddexdaa arrimood waxay bulshada muslimka ah ka dhigayayaan mid nadiif ah, oo qudhunka kufriga ka dhahiran, wasakhda macassidana ka hufan. Sidaa darteed marka la isu eego labadaa bulsho ee dunida ka jirta, mida ay shareecadu ogoshay inay talada aduunka qabato waa ta muslimka ah, looguna talo galay inay aduunka hagaajiyaan oo ku islaaxiyaan diinta, taana waxaa ugu wacan iyadoo diinta Alle tahay nidaam caalami ah oo aadenahoo dhan loogu talo galay inay ku hoos noolaadaan , hadhkiisana sacaado iyo liibaanna ku helaan, Iyadoo hadafkaa laga duulayo nebiga naxariis iyo nabad gelyo Alla ha siiye markay dawladiisii xididaysatay waa kii madaxdii dunida ee xilligiisii inta warqado u qoray ugu baaqay inay diinta soo galaan oo islaamaan. Sidaa si la mid ah, waa tii khulafadii ka dambaysa isla fariimahaas oo kale u diri jiray boqorradii sebenkooda, ilaa ugu dambayntii khilaafadii Cusmaaniyada ay islaamka ku fidisay dalal badan oo dunida ka tirsan, muslimiintuna si raaxo leh diintooda loogu dhaqayay gaalada maganta ahna(ahli-dimah) nabad iyo naruuro ku qabeen .

Laakiin maalinkii calankii khilaafadu dhacay hoggaankii dunidana gaalo gacanta u galay ayay bulshooyinkii aduunka isla hoogeen, oo gaal iyo islaamba silic iyo saxariir la mutay. Iyadoo fasaadka akhlaaqeed, burburka iyo kala firxadka qoysaska, dulmiga iyo xaq duudsiga bulshada ka dhextaagan, daroogooyinka iyo maandooriyeyaasha baahsan iyo aafooyin badan ay jiraan waxaa hadana, dunida lagu aafeeyay dagaallo aan tiro lahayn. Bal ka waran waxa qarnigii labaatanaad dagaal dunida laga shiday?

Ka soo qaad labadii dagaal ee dunida kii 1aad iyo kii 2aad, imisaa naf ku qudh baxday, imisaase ku dhaawacantay? Imisaa hanti lagu burburshay?! Waxaas oo dhibaato aadane la marshay waxaa uun dano maskax la’aan ku dhisan ku watay kooxo faro ku tiris ah oo hawo aduun oo aan laga dhergayn hor ordayso.

Bal aan inyar oo kooban tusaale ahaan uga soo qaadano dhibaatooyikii qarnigii labaatanaad dunida qaarkeed soo maray ,

Dhacado markaynu leenahay ku wajahan dhibaatayn aadame ama xasuuq waxa mid aan maanka umadda muslimiinta ah marnaba kabayn oo ku sawiran ah ninmankii dunida weeraray ee reer Mangooliya, kuwaaso aan gabi ahaanba waxba kareebin mood iyo noolba wixii waqtigu u saamaxay ee ay soo gaadheen ku waasoo cagta mariyey si ba’an oo araxan daro ahna u gumaaday dad yaw aan tiro lahay, laga soo bilaabo jaban iy shiinaha ilaa boolan dhulka baxaada intaa leeh leh ayey mudo yar ku qabsadeen wixii dad ku noolaana gabi ahaanba tirtireen, meeday aqoontii muslinka iyo culuumtii ay mudooyinka sanawaadka ah kaydinayeen ? warcleintu uma baahana faah faahin , jahli iyo caqli darraan halkay ka gaadheen waxay biyo raaciyeen oo wabi ku dareen maktabadihii qadiimka ahaa ee ugu waa waynaa dunida ku waa soo ay ku kaydsanaayeen dhamaan wixii aqoon diini iyo maadiba dunida guudkeeda yaalay , islaamku lahaa iyagoo ay ka ahayd aqoon daro, xirfada kaliya ama aqoonta ugu saraysa ee ay lahaayeen waxay dagaal !!! .

 

  • (1937 – 1945) Dagaalkii 2aad ee dunida iyo dawladii Adlof Hitler waxay dileen in kabadan 50 milyan oo ay ku jireen 6 milyan oo Yuhuud ah ku noolayd yurub .
  • (1949 – 1976) Xukuumadii Maaw-Sedoong iyo abaartii shiinaha waxay katageen 28 milyan oo mayd ah .
  • (1924 – 1953) Dawladii Josf Istaalin ee Ruushka waxa cagta mariyeen in kabadan 20 milyan oo ruux .
  • (1914 – 1919) Dagaalkii 1aad ee dunidan soo maray wuxuu geeri u horseeday oo godka ku hubsaday tiro kor u dhaaftay 15 milyan oo qof .
  • (1818 – 1927) Dagaalkii sokeeye Ruushanka waxa nafahoodii ku waayey dad lagu qiyaasay 8.5 milyan .

ma aha intaasoo kaliya mana aha dhibaatooyinka dagaal ee dunida ka dhacay kuwo aan halkan kusoo kobi karno, dhawrkan dhacdo ee aan kor ku xusnay kaliya waa kuwii ugu cad cadaa qaar kamida ,

Imisaa dagaallo kuwaa ka dambeeyay arlada lagu gubay?! Meeqaa dadyaw iska deggan oo nabad qaba hunguri xumo darteed dab loogu shiday?! Waxaas oo belaayo ah waxaa sabab u ah iyadoo ay hoggaanka qabatay umad cawaan ah oo xadaaradadeedu jaahiliyad heerkeedii ugu hooseeyay ka gaadhay, ahna Reer- Yurubka dunida ku amar ku taagleeya, Gaaladaa damaca waalan dulmigooda ugu badanna dadyawga muslimiinta ah ayuu ku dhacaa, siiba markay daciifto ama ayana jirin madax islaam oo dadkeeda difaacda. Oo taniyo dhamaadkii qarnigii 19aad, ahaana waqtigii ay daciiftay dawladii islaamka ee Cusmaaniyada iyo markii la burburiyayba, dhibka iyo dulmiyada aduunka ugu badan muslimiinta ayaa lala beegsanayay oo ku dhacayeen,waxaanna tusaale kuugu filan waxa maanta ka taagan Somaliya, Ciraaq, Afqaanistaa, Shiishaaan, Falasdhiin,Yemen,Suuriya, iyo meelo kale oo aan tiro lahayn, dhiiga qofka muslimka ah maanta waa looma ooyaan, aan bisad bakhtiday qiimo dhaamin, hanlka ay maanta dawladaha reer galbeedku hay’ado gaara u samayeen ilaalinta xuquuqda xawayaanka sida ayda iyo bisadaha oo qofkii ku xad gudba ku ciqaab mutaysanyo waana iyaga waxa dacallada dunida la xasuuqo ee la gumaado dadyawga muslinka ah ka danbeeya. Sidaa awgeed, si nolosha aadenaha loo bedbaadiyo waa in muslimiinta oo cida keliya ee shareecadu tilmaantay inay aammin yihiin, ehelna u yihiin inay hoggaanka bashariyada qabtaan, iyadoo culimadoodu yihiin cidda sida gaarka ah kalsoonida loogu qabo ee la doonayo inay muslimiinta hoggaanka u qabtaan .

Waxaan ku soo afmeeri lahaa talo guud, hogaan xumada masiibo kawayni majirto waayo waxay si isku mida usamaynaysaa dhamaan bulshada meel ku wada dhaaqan, ka muslimiin ahaana waxa inla gudboon inaan isku dhaqano diinteena, waxa wanaagsan qokaan u dhiibayno hogaanka umadda inuu ahaado qof danta iyo masiirka dadka ka talinaya tan aduun iyo mida aakhiraba, ee aynaan ku xulan ” kanaa ila qabiil iyo kanaan qolo wadaagnaa ” Allena waxaan ka baryeynaa inuu xaqa ina garansiiiyo inagana dhigo kuwo fahma u jeedada diinta islaamka laagu soo dajiyey kuna camal fala.

W/Q: Axmed Ismaciil Axmed “Gashanle”

ahmedgashanle@gmail.com