Yaa Alshabaab siiyey Dharka iyo Kabaha Ciidamada Ilaaliya Madaxtooyada..?

Muqdisho(SLPOST)Fadeexad ebid tii ugu xooganeyd ayaa soo food saartay ciidamada Milatariga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeeybta ilaalisa xarunta Madaxtooyada ee VillaSomalia ka dib markii lagu soo weeraray dharka qaaska ah ee la siiyo ciidamada Gaadhka ah ee madaxtooyada iyo qalab kale oo ay caan ku yihiin.

ciidamada_villa_somalia 1

Maleeshiyaadka Al Shabaab ee wax qarxiya ayaa dhoor weerar oo hore dharka ciidamada dowlada wax ku weerari jiray balse markaan waxaa dad badan ka yaabisay Al Shabaab oo soo xidhatay dharka qaaska ah ee ciidamada Milatariga iyo waliba Buraashadaha iyo Kabaha ay caanka ku yihiin Milatariga ilaaliya VillaSomalia.

Maalin cad ayay maleeshiyaadka Al Shabaab Villa Somalia albaabka u soo dhawaadeen kuwaas oo qal qal galiyay dhamaan madaxda ugu sareeysa Dowlada iyo ciidamada AMISOM oo ilaa hada la yaaban halka ay Al Shabaabka Madaxtooyada soo weeraray ka keeneen dharka , kabaha iyo Buraashadaha biyaha lagu qaato ee ciidamada Milatariga qeeybtooda ilaalisa Villa Somalia.

Shaki kuma jiro in Al Shabaab la hagayay oo waliba uu badhtimaameed uu u ahaa Masjid Madaxtooyada ku yaal oo Salaada Jimcaha ay ku tukanaayeen madaxda ugu sareeysa dowlada.

Dadka qaar ayaa qaba in Al Shabaab laga iibiyo dharka ciidamada Dowlada balse weli ma dhicin in ay soo xidhdhaan agabka qaaska ah ee ciidamada ilaaliya Villa Somalia kuwaas oo run ahaantii goob kasta ku weerari kara xiligii ay u baahdaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland