Yaa Aamuskiisii Inagaga Celiya – W/Q: Caydiid Warsame

Aslaamu Calaykum bahda Saxaafada. Salaam dadweynaha Somaliland. Waxa la yidhi beri hore ayaa qof dumar ah ayaa waxay dhashay inan (wiil). Muddo badan ayuu hadli waayay ilaa isagoo kuray ah ayaa hadal laga waayay. Hooyadii waxay maalin walba ku ducaysan jirtay Illaahayow inanku ii hadlaa oo hadalka u fur. Isagoo inan weyn ah oo caqli leh laakiin hadalku ka xidhan yahay ayuu Illaahay u furay hadalkii. Hadalkii ugu horeeyay ee uu yidhi ayuu Hooyadii ku caayay oo hadal ay ka naxdo uu yidhi. Waxay tidhi Illaahayow yaa aamuskiisii igaga celiya. Imika Mujaahid Xasan Ciise oo runtii loo han weynaa ayaa dadku odhan jireen muu Xasan hadlo oo xafiiltankan iyo goolaftankan siyaasadeed muu ka hadlo. Muddo labaatan sannadood ah ayaanu Xasan kalmad ka odhan meel fagaare ah oo dadku is weydiinayeen maxaa Xasan ku dhacay. Markii uu urur siyaasadeed la baxay Xaqsoor samaystayna, dadku aad ayay ugu hanqal taageen una jeclaysteen inuu Xasan soo galo siyaasadda. Waxaanu ahaa ninkii ugu tunka weynaa ragii ururada samaystay. Waxaa soo raacayay Dr. Gaboose. Qofku marka uu tartan galo waa inuu u diyaar garoobaa inuu guuleysto iyo in laga guuleysto. Dr. Gaboose oo ururkiisu ka cudud weynaa ayaa ku qancay oo hadal wanaagsan oo gobanimo ah yidhi oo u hambalyeeyey. Xasan Ciisana waa tii aynu ogeyn inuu mudaharaad khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh gaystay soo abaabuley. Ilaa maantana ay kolba war saxaafadeed la soo hor fadhiisanayaan dadweynaha. Urur kale oo hadlaaya ama qaylinaaya lama hayo. Waxay maanta dadweynaha reer Somaliland leeyihiin Illaahayow yaa Xasan INAGA CELIYA AAMUSKIISII.

Wabillaahi Tawfiiq

Caydiid Warsame
Stockholm