Xusuustii Madoobeyd

Goortu waa fiid aan iskaga dhex jiro nolol maalmeed kaygii caadiga ahaa, anoo aan dhaadaneyn baa taar laysoo direy, dabadeed si baraad la,aan ah baan gacanta ula haleelay, warkii dhiilada lahaa ee kasoo yeedhay awgii dhulkii waa ila balaadhey oo kor iyo hoos iila duuley, sarajoog iyo fadhi mid aan ku suganaheyna garan waayey, dhabano hays iyo afkala qaad bay igu noqotey, Naxdin iyo anfariirbaan la dhacey sidii oo falaadh sumeysan wadnaha laygala abaarey.

in muddo ah markaan maqane jooga ahaa ee aanan waali iyo miyir qab midna ku sugnayn, baan markii danbe salaad u kacey, ileen hadday dhibi inagu timaado xaga Illahay (SWT) oo loo cararo mooye waa baabacadaasoo timo laga waayey iney cid kale wax kuu qabataa. Shaydaanka iska naar oo tuko waa xaq taniye, bal waakaase waysadiiba garo, waa laba talaabo hore u qaad haddana gadaal usoo qaad iyo habartii raadkeeda ku noqoneysay.

Waa xaq oo nafkastaa Geerida way dhadhamineysaa awalba garaadkayga iyo maskaxdeydu si waadax ah bay uga dhaadhacsaneyd, waana waajib iney yaqiinsadaan oo waa qawl Eebe iyo aayad quraana, haddana soomalidu waa hore waa tii tidhi geeridu nimaanad garaneyn iyo geel jirey ku fiicantahey.

Nafiisa Cali Xasan Waceys oo geerideedu isoo gaadhey April 3, 2016, waxaanu ahayn saxiibo isku dheer aan idhaahdo labada hooyadu dhashaanu iskaga hilib dhaweyn, waxey ahayd xubin Qoyskeyga ka mida halka aan ana ahaa Xubin qoyskooda ka tirsan, waxaanu aheyn mataano aan kala dhamaan, saddex baa qof lagu bartaaye jid intaanu wada marney tiro iyo cadad ma leh, jidiin intaanu wada cuneyna illaheybay u xisaabsan tahey, jabad intaanu wada galneyna lama soo koobi karo.

Waxaanu isku baraney Dugsiga sare ee Gacan Libax sanadkii 2007, waxaanu wada bilaabaney kalaaska kowaad ee dugsiga sare,   sawirkan taariikhdiisu waa 05/2008

illahey mahadii waanu wada dhameynay, waxa noo xigey dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa Technical Institute kaas oo aanu in muddo ah wada dhiganey kasoo gudub, haddana, nasiib wanaag waxaanu kuwada biirney jaamacada qaranka ee University Of Hargeisa halkaas oo aanu laasaney afar sano oo gaw ah waxa kuu dheer wax barashooyinka lagu qaato koorsooyinka mudooyinka gaagaaban, taasoo aanu soo qeyb saney dhib iyo dheef, waayo badana aanu ka soo wada gudubney.

Mudadaa tobanka sano ku dhawaadka ah waxa cajaa,ibaad leh inaaney maalin kaliyana Alle haka yeele

aanu xurguf, xanaaq iyo hadal xumi na dhex marin.  

danteyda iyo horumarkayga aad bay u jeclayd uguna farxi jirtey ana sidoo kale farxadeedu waxey ahayd mid qalbigeyga qaboojisa halka walwalkeeda iyo walaaceeduna ahaayeen kuwo aanan ka gam,in, sidaanu isaga ag dhaweyn waxaanu isla gaadhney heer aanu xaaladaha nala soo darsa isla hal jawaab ka bixino, isku dookh iyo damiir baanu noqoney, Ul iyo diirkeed baanu noqoney, isa saameyn bani aadman is saameeyo heerka u sareysa ayaanu ka gaadhney heer aanu isha iska fahano goob kastoonu joogno.

Balse, gabeygii (AHUN) Xaaji Aaden Af-qalooc waa kii lahaaNaftu waa tu qudha oo ma jiro taajir hadhayaayeTana waa laga tagayaaye haddana geeridu kala xanuun badan oo kala naxdin badenAbidkiiba rag waa go,i jiree tanise waa gaw,e.

Halkan waxaynu kusoo qaadan doonaa tixo baroor diiq ah,

Aduunyooy qiima daran

Inaad tahay hawiyo been

Inaad tahey habeeniyo maalin

Horeba waa loo ogaa

Itaal ina aadan leeyahay

Cataabiyo oohinyo Way

Ineenay wadka baajineyn

Horeba waa loo ogaa

Inaad ana ii timood

Halkaa Ooftiyo Wadnaha