Xusni Mubaarak oo todobaadkan la filayo in Xorriyaddiisa loo soo Celiyo

Qaahira (SLpost)-Madaxweynahii hore ee dalka Masar, Maxamed Xusni Mubarak, ayaa la filayaa in xabsiga laga sii daayo todobaadkan, ka dib markii xeer-ilaalinta dalkaasi soo gabo-gabeeyaan eedaha loo haysto.

Mubaarak oo xilligan da’diisu gaadhayso 85 jir ayaa soo xukumayey dalka Masar muddo ka badan Rubuc Qarni, ka hor intaan sannadkii 2011 kacdoon-shacbi lagaga tuurin xukunka.

Madaxweynihii hore ee Masar ayaa markii xukunka laga tuuray xabsiga la dhigay isagoo lagu eedeyey inuu ka dambeeyey mudaaharadayaal ku dhintay kacdoono lagaga soo horjeeday xukunkiisa, taasoo maxkamad Masar ku taal ugu xukuntay falkaas Xabsi daa’in, balse uu markii dambe racfaan ka qaatay.

mubarakSannad ka dib markii xukunka laga tuuray, sababta weli Mubaarak xabsi ugu sii jiro ayaa ah eedaha kiis kale oo la xidhiidha musuqmaasuq loo haysto, haseyeeshee waxa sii-deyntiisa shaaciyey garyaqaankiisa oo lagu magacaabo Fareed el-Deeb.

“Keliya waxaa hadhay arrimo maamul oo kooban, kuwaas oo aan qaadan doonin muddo ka badan laba maalmood. Waxa la sii deyn doonaa dhamaadka usbuucan,” ayuu sheegay Deeb.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net