Xuska sannad-guuraad labaad ee ka soo wareegtay Geeridii Marxuum Gaarriye oo Hargeysa lagu Qabtay

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad la xusayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay Geeridii Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa habeenkii Jimcuhu soo galay ee taariikhdu ku beegnayd 2-dii Bishan lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Akaademiga Akhrista iyo Qoraalka ee Himilo, waxa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Abwaanno, Hal-abuur, Bahda Qoraalka iyo marti-sharaf kale. Waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay guddoomiyaha Akademiyada Akhriska ee Himilo Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ku dheeraaday kaalintii uu Marxuumku ka soo qaatay dhiirri-gelinta iyo u-doodista xuquuqda dhalinyarada ee dalka, waxaanu halkaas uga mahad-naqay cid kasta oo ka qayab-qaatay suurto-gelinta inay xaqbsoonto xafladda lagu maamusay sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay geeridii Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

gaarriyeWasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo munaasibadda ka hadlay, ayaa yidhi, “Iskamaynu Jeclaanin Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) magaciisa, murtidiisa iyo maansooyinkiisii inay innagu soo noq-noqdaan wax aynu iska jeclaanay maaha, waa dhaxal hodan ah oo uu ka tagay oo mudan inaynu hadal hayno oo aynu ku hadaaqno. Maxamed Xaashi Dhamac xilal badan buu hayn jiray oo koleyba midka ugu weyni uu ahaa inuu macalin ahaa.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdi Axmed Mooge, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay kaalintii uu Marxuum Gaarriye macalin ahaan, Suugaantiisa iyo dhiirri-gelintiisu ku lahayd bulshada.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhaamac Gaarriye, ayaa 2-dii bisha October, 2012-dii ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway oo xaalad caafimaad loo geeyey.

SOMALILANDPOST.NET