Xuska Munaasibadda 18-ka May oo Markii u horreysay ay Ka Soo Qayb-galeen Hal-doorka Madax-dhaqameedka Soomaaliya (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Waxa saaka Taariikhda Markii ugu horraysay Munaasibadda Xuska 18-Ka May ka soo qayb-galay Goob-joogna ka ahaa Oday-dhaqameed ka soo jeeda dalkaasi Somalia oo todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa, kana mid ahaa wefti 50 xubnood ah oo dalka soo gaadhay.

IMG_0197Xubno tiro badan oo ka mid ah Xubnahaas Odayaasha ah ayaa saaka la fadhiisiyey Dhinaca Bidix ee Goobta ay waftiga madaxweynuhu fadhiyeen, iyagoo si dhug leh uga il buuxsamayey dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa ee hortooda ka socday.

Odayaashan oo intooda badani ka yimi magaalada Muqdisho, ayaa u muuqday kuwo u muusoonaya wanaagga iyo tacabka dawladnimo ee ka socday hortooda, waxAana sidoo kale ay muujinayeen Dareen ah inay garwaaqsadeen horumarka ka jira Somaliland.

Ujeeddada odayaashan Goobta loo fadhiiyey ay ahayd inay marag ka noqdaan Habka iyo Hannaanka dawladanimadu ku dheehan tahay ee Maalintan looga xuso Somaliland, waxana lagu guulaystay inay indhahooda wax ku arkaan, iyaga oo hor u ballan-qaaday inay goob-joog ka noqon doonaan xuska maalinta Qaranimada Somaliland.

Qaar ka mid ah odayaasha oo warbaahinta u sheegay darreenkooda ku aaddan sida ay u arkaaan Munaasibadda ay markhaatiga ka yihiin, ayaa si waadix ah u sheegay inay Somaliland u qalanto in la ictiraafo.

DSC_0016Waxay ay xubno ka mid ah odayaashani sheegeen inay si weyn ugu faraxsan yihiin wacdarihii hortooda ka dhacay, isla-markaana ay garwaaqsadeen in aqoonsiga Somaliland raadinaysaa uu yahay mid ay u qalanto.

Odayaal dhaqameedkan ayaa ay xukuumadda Somaliland u fidisay Casuumad muddo dhawr toddobaad ka hor ah, waxana ay haatan u diyaar garoobayaan sidii ay ugu noqon lahaayeen Dalkoodii iyagoo sida Farriintii ay Somaliland ka qaadeen.

 

SOMALILANDPOST.NET