Xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo loo dabbaal-degay tacaddiyo iyo xad-gudubyo Xukuumadda Siilaanyo ku hayso

Hargeysa (SLpost)- Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland ee 9-ka November oo sannad kasta la xuso, ayaa Axaddii maanta oo ay ku beegnayd lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, Weriyeyaa iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adaha Warbaahinta dalka iyo Siyaasiyiin ka kala socday Xisbiyada Mucaaradka iyo Aqoonyahanka Somaliland.

Xuskaas oo lagu qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa hadallo kala duwan laga soo jeediyey, waxaana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aad loogu canaantay hab-dhaqanka foosha-xun iyo cabbudhinta kala duwan ee ay kula kacayso Saxaafadda madaxa-bannaan iyo Suxufiyiinka ka hawlgala, Xadhigga Weriyeyaal ka hawlgalayey Gabiley iyo cago-juglaynta ay Warbaahinta xorta ah ku hayso, iyadoo lagu tilmaamay inay ku tumatay Xeerarka iyo qodobbada Dastuurka Qaranka ee dammaanad-qaadaya Xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.

HALKAN KA DAAWO