Xuska 33-guurada Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo Si weyn loogu dabbaal-degay iyo weedhaha masuuliyiintii ka qayb-gashay

Hargeysa (SLpost)- Xuska Maalinta dhalinyarada Somaliland oo loo aqoonsaday 20-ka bisha labaad sannad kasta, balse Jicmihii dib looga dhigay oo Sabtidii maanta la qabtay, ayaa si weyn ay uga qayb-qaateen Dhalinyarada dalku, waxaana Munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay soo qaban-qaabisay Dalladda Ururrada dhalinyarada ee SONYO ka qaybgalay Madax dawladda ka tirsan iyo dadweyne fara badan.

Maalintan oo ka mid ah maalmaha taariikhiga ah ee Somaliland laga xuso, ayaa ku timi markii Ardaydii Dugsiyada Sare iyo dhexe dhiganaysay ee magaalada Hargeysa 1982-kii, ay ka gedoodeen Dhalinyarada Urur la odhan jiray UFO uu Taliskii Millateriga ahaa ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey ay Xadhig sharci-darro ah iyo dil kula kacday, iyagoo doonayey dhalinyarada UFO inay hawlo Samo-fal ah ka fuliyaan gobolladii Waqooyiga Soomaaliya oo hadda ah Somaliland. Sidaa awgeed, ayaa loogu aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland.

XUSKACiidammada qalabka danana kaga sanqadhiya ee Bamboyda, Ciidammada Booliska, Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Ardayda dugsiyada, Masuuliyiinta Waxbarashada, Masuuliyiinta Dallada Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Xubno ka mid ah Dhalinyaradii UFO iyo dhalinyaradii dugsiyada ee dhagax-tuurka samaysay iyo dadweyne tiro badan oo ku dhaqan Caasimadda Hargeysa, ayaa saaka subaxnimadii ka dhaqaaqay Wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana socod ku tegay Maxkamadda degmada Hargeysa oo ah halkii Dhagax-tuurku ka bilaabmay, isla markaana lagu dilay Ardaygii ugu horreeyey ee halkaas dhagaxa ka tuuray, ahaydna Maxkamaddii Xukunka arxan-darrada ah ee sharci-darrada ah ku ridday dhalinyaradii UFO.

HALKAN HOOSE KA DAAWO