Xulka Kubadda Koleyga Somaliland uga Qayb-galaya Tartanka dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo dalka ka amba-baxay

Berbera (SLpost)- Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada iyi Ciyaaraha, iyo Duulista Hawada iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa Maanta Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera ku sii sagootiyay kooxda kubada Kolayga ee Somaliland uga qayb galaysa Tartanka koobka bariga iyo badhtamaha afrika ee ka dhacaya  24 bishan aynu ku jirno ee April Magaalo Madaxda Wadanka Yugaandha ee Kambaala.

Wasiirka Dhalinyada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo hadal kooban oo dardaaran ah u jeediyay dhalinyaradan ka hor intii aanay ka dhoofin Madaarka Magaalada Berbera ayaa ilaahay uga baryay inuu ka yeelo kooxdan kuwo magac iyo sharaf u soo hooya dalkooda maadaama ay nasiib u heleen inay ka qayb galaan iyagoo metelaya Jamhuuriyada Somaliland Tartan maqaam weyn ku fadhiya, Wasiirku waxa uu sheegay in Guushu aanay ahayn in la badiyo balse ay gundhig u tahay in lagu ladho asluub wanaag mudada uu tartanku socdo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa eebe ugu rajeeyay in kooxdani ay dalkooda ku soo guryo noqdaan iyagoo sida koobka kubada Kolayga ee wadamada bariga iyo badhtamaha afrika ee ka furmaya dalka Yugaandha,oo noqonaya sida uu sheegay kii u horeeyay ee noociisa ah  ee lagu soo casuumo Somaliland .

Waxaa kale oo halkaasi hadal kooban oo duco ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan “Ramaax”.

Kooxdan kubada kolayga ah ee Maanta u ambo baxday Wadanka Yugaandha ayaa waxaa hogaaminaya Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mustafe Maxamud Qodax.

Geesta kale Wasiirka Ciyaaraha iyo Gudoomiyaha  Gobolka Saaxil ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo maray Garoonka Kubada Cagta ee cusub ee dawlada hoose ee Magaalada Berbera fulisay.

SLpost News/Berbera