Xulka Kubadda Cagta Gobolka Awdal oo Ku Guulaystay Tartanka Ciyaaraha Todobaad ee Gobollada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xulka Kubadda Cagta ee gobolka Awdal ayaa si rasmi ah ugu guulaystay Koobka Tartanka Ciyaaraha kubadda Cagta ee gobollada Somaliland, kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka Kubadda Cagta gobolka Saaxil ay maanta isku haleeleen Finalka Tartanka.

xulka-kubadda-gobolka-awdalTartanka oo noqonaya kii todobaad ee loo qabto gobollada Somaliland, ayaa 27-kii bishan ka furmay Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa oo lagu sii anba-qaaday wareegga 2aad ee tartanka, kaddib markii wareeggii hore ee tartanka lagu qabtay magaalada Boorama horaantii sannadkan, halkaas oo gobollada intooda badan lagu reebay.

Waxa tartankan soo xidhay isla markaana garoonka ku sugnaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xulka gobolka Awdal guddoonsiiyey Koobka ay ku guulaysteen.

Sidoo kale, waxa xalay garoonka kubadda Koleyga ee Hargeysa lagu soo gunaanaday tartanka kubadda Koleyga ee gobollada Somaliland oo ay iska horyimaaddeen Xulalka gobollada Gabiley iyo Saaxil, waxaana halkaas guushu ku raacday isla markaana tartanka ku guulaystay Xulka gobolka Saaxil.

HALKAN KA DAAWO CIYAARTA