Xulka Gobolka Saaxil Oo 4:0 Kaga Adkaaday Gobolka Xaysimo

Hargeysa (SL.Post) Xulka kubada cagta gobolka Saaxil ayaa 4:0 ugu awood sheegtay xulka gobolka Saaxil,  oo labadan kooxood lagu furay wareega labaad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

14633054_1091831567597362_8166589165860388931_n

Waxaana galabta lagu furay labada gobol ee Saaxil iyo Xaysimo oo soo bandhigay ciyaar xiiso gelisay daawadayaashii u soo daawasho tagey ciyaarta, waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay 3:0 ay ku hoggaaminaysay Saaxil, halka Xaysimona aanay waxba keensan.

Waxa iyana xusid mudan in ciyaaryahanka numberka shanaad ama daafaca uga ciyaara gobolka saaxil uu qaatay kaadhka cas dibedana looga saaray ciyaarta, balse aanay u dhitin xulka gobolkiisa Saaxil, markii lagu soo noqday qaybtii labaadna waxa ciyaarta halkeeda ka sii watay gobolka Saaxil oo gool afraadna u raaciyey ciyaar-yahanadii ku ciyaarayey magaca gobolka Xaysimo sidaasina wax ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaartii lagu furay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland.

 

Somalilandpost.net