Xulka Gobolka Maroodi Jeex Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey

xulka maroodijeexHargeysa (SLpost)- Labada gool dhaliye ee xulka gobolka Maroodi Jeex, Maxamud-Govinda iyo Cabdi-Riyaad ayaa beeniyey war ay qoreen warbaahinta qaarkeed, kaas oo lagu sheegay in khilaaf labadaa ciyaartoy u dhexeeyaa uu khalkhal geliyey ciyaartooyada gobolka Maroodi Jeex.

Weeraryahannada gobolka Maroodi Jeex, Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) iyo Cabdiriyaad oo shalay u warramay Wariye Cabdiwahaab Axmed Cabeeye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar suuqa la soo geliyey oo sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay ciyaaryahannada gobolka Maroodi Jeex, waxaanay labadan ciyaartoy sheegeen in warkaas ay baahiyeen kuwo doonaya in ay sumcadda ka dilaan, isla markaana ay niyad jabiyeen shacabka reer Hargeysa ee ay magacooda ku ciyaarayaan. “Waxaas dadka ayuun baanu ka maqalay, meelaha qaarna waaba lagu qorey, laakiin waxba kama jiraan oo immikaba labadayada oo kaliya ayaa wada fadhina oo ciyaarta ayaanu wada daawanaynaa” Sidaa waxa yidhi Maxamuud-Govinda oo la weydiiyey wax aka jira khilaafka la sheegay in uu u dhexeeyo ciyaartooyada.

Mr. Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in ciyaartoyga ay isugu dhow yihiin ciyaaryahannada gobolkiisu uu yahay Cabdiriyaad, isla markaana aanay suurtogal ahayn in waxaa la sheegayaa ay dhex maraan. “Hadda qol ayaanu wada degannahay oo dadkaba waanu isaga dhow nahay. Cidda waxaa waddana waa cid doonaysa in ay sumcaddayada ku ciyaarto” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, ciyaaryahanka Cabdiriyaad ayaa isna sheegay in waxaas uu ka maqlay suuqa, laakiin ay labaab ku noqotay in dadka lagu dhex tuuro warar noocaas ah. “Waar waaban yaabay markii aan waxaas maqlay. Haddii qof kale uun la odhan lahaa way is khilaafeen ma ciil baan qabi lahaa. Maxamuud waa saaxiibkayga koowaad, marnaba lagama yaabo in ay taasi dhacdo”. Ayuu yidhi.

Cabdiriyaad waxa uu xusay in kalsooni badan iyo niyad samaani ay ka dhaxayso ciyaartooyada gobolka Maroodi Jeex, isla markaana ay nadiif ka yihiin xafiiltan iyo xurguf dhexdooda ah.

SOMALILANDPOST.NET