Xulka Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Ciyaartii Ay La Yeesheen Awdal Iyo Warar Laga Faafiyey

 

Boorame(SLpost) Xulka Gobolka Hawd ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in rabshadaha ka dhacay garoonkii ay ciyaartu ka socotay iyo shiidka ay kala kulmeen taageereyaasha gobolka Awdal ay uga baxayaan ciyaaraha.

 

Caartoyga gobolka Hawd ayaa sheegay in goolka laga dhaliyay ahaa mid xaqdarro ah maadaama bay yidhaahdeen la shiidayay ciyaartoygooda islamarkaana taageerayaasha Awdal si gaara fowdo ula beegsadeen xulka Hawd.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa rabshadaa iyo shiidka aawadeed in ay isku afdhaafeen badhasaabada labada gobol. Xaalad kacsan oo shiid iyo orin ah oo ay  taageerayaasha Awdal kula kaceen xulka gobolka Hawd aawadeed ayuu badhasaabka Hawd uga dacwooday gudoomiyaha Awdal, halkaasi oo is dhaaf yari ku dhex maray labada masuul

 

Afhayeenka xulka gobolka Hawd ayaa Ramaasnews u sheegay in ilaa 5 Ciyaartoy ay soo gaadheen dhaawacyo fudud oo uu sababay dhagaxa lagu soo tuuray.af hayeenka Hawd

Warar isa soo tarayay ayaa sheegayay in kulammo kooxda iyo maamulkeedu yeeshay lagu lafo guray waxa uu dhacdada galabta kadib yeeli lahaa iyadoo Aakhirkii la isku afgartay in xulku sii ciyaaro kadib markii uu ballanqaadyo ku aadan in taageerayaasha la xakamayn doono maamulka ciyaaraha ay ka heleen.

‪Afhayeenka Gobolka Hawd ‪Ayaanle Xaliye ayaa beeniyey Wararka Sheegaya ina Gobolka Hawd ka baxay ciyaarihii gobolada somaliland wuxuuna yidhi ” Beeni naga saari mayso koobka ‘ Diyaar ayaanu u nahay hanashada Koobkan waana Gobolkii 1-aad ee naga badiya gobol ahaan marka laga reebo Hargeisa. waxaan leeyahay intaad wararkaas faafinaysaan ku dedaala sidaad iskaga celin lahaydeen gobolka hawd oo gadoodsan . Ciyaartii Maantana waxaanu leenahay Taagerayaasha gobolka Boorama may noqon Marti Soorayaal balse waxay noqdeen qaar guul xaqdaro ah usoo hooyey gobolkooda. inshaa Allah hada dedaal ayaan ugu jirnaa inaan badino wixii danbe maadaama maanta taagerayaal naga badiyeen oo ay dhagaxaan nala dhaceen. wixii dambe naga fisha guulahad nooga barateen,” ayuu yidhi Afhayeenka gobolka Hawd