Xulidda Xubinta Komishanka ee Xisbiga Waddani Oo Laf Dhuun-gashay Ku Noqotay Gudoomiye Cirro+ Xaalada Siyaasadeed oo ay Ku Kicisay

Hargeysa (SLpost)- Maalmihii ugu danbeeyey waxa laga war-sugaayey xubinta Xisbiga Waddani usoo xulan-doono Komishanka cusub ee doorashooyinka oo dhamaan xubnihii kale la-soo xulay, balse sida xoguhu tibaaxeen u xanibnaa xubinta Xisbiga Waddani oo ilaa hada aanu xisbigu gudbin.

Xulida xubintan Komishanka ee xisbiga Waddani ayaa sida xoguhu tibaaxeen waxa ay laf-dhuungashay ku noqotay Gudoomiye Cirro oo sida xoguhu tibaaxeen balanqaadyo kala duwan u sameeyey laba kamida beelaha miisaanka culus ee deegaanada Sanaag iyo Maroodi-jeex kuwaas oo kamid ahaa beelihii sida muga leh taageerada iyo codkaba ugu huray xisbiga doorashooyinkii kala danbeeyey ee xisbigu soo maray.

Labadan beelood ee uu kala doorashadooda culayska badani kasoo waajahay Gudoomiye ciro oo kala ah Beesha Bariga Hargeysa ee Isaxaaq Carre iyo Beel kamida Deegaanka Ceerigaabo oo ah Muuse Ismaaciil, labadan beelood oo sidaan xusnay kamida rukunadii miisaanka codbixinta ee Xisbiga Waddani ayaa sida xoguhu tibaaxayaan kala doorashadoodu ku adkaatay Gudoomiye Cirro, taasi oo sababtay in gudbinta iyo xulida xubintani ilaa hada xisbigu ku dhiiran waayo maadama oo xisbigu culays iyo xaalad siyaasadeed oo kulul kala kulmaayo beesha uu ka tago xubinta ay usoo gudbisay.

Labadan beelood ee Gudoomiye Cirro culaysintooda la dhakafaaray ayaa miisaan iyo saamayn aada ku kala leh deegaanada Gobolka Maroodi-jeex iyo Gobolka Sanaag, oo beelkastaaba kaalin mugle oo la taaban karo kaga jirto, balse waxa laga war-sugayaa mida uu Gudoomiye Cirro ku dhiirado inuu meesha kasaaro isla markaasina uu ka badheedho inay ka hayaamaan Xisbiga Waddani ee ay mudada dheer hiil iyo hooba lasoo garab taagnaayeen.

Dhinaca kale xogo aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in Gudoomiye Cirro saacadihii u danbeeyey qaatay xubintii kasoo-jeeday degmada Ceerigaabo isla markaasina meesha kasaaray dalabkii beesha Bariga Hargeysa, Arintan ayaa u muuqata inay ku kicindoonto Gudoomiye Ciro xamaasad iyo xaalad siyaasadeed oo kaaga timaadan beeshan Bariga Hargeysa oo doorashooyinkii kala danbeeyey ee dalka ka dhacay 100% codkooda iyo taaageeradoodaba dal iyo dibad la garab istaagay Gudoomiye Cirro isla markaasina ka filanaayey inay yihiin mudanta Abaalka uu u hayo Gudoomiye Cirro , iyadoo sidoo kalena beesha kula loolamaysay booskan xubinimada Komishanku ay hayb ahaan uga dhaw yihiin Gudoomiye Cirro oo ay isku ardaa yihiin.

Isku-soo wada duuboo xaalada ka taagan arintan ayaa u muuqata mid si weyn wax uga bedeli-doonta saamaynta siyaasadeed ee Xisbiga Waddani kulahaa dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa iyo Gobolka Maroodi-jeex.