“Xukuumadu laba isku heli meyso xeerkii baa lala daahay  Iyo In ay tidhaahdo waxaan ku faraxsanahay In ajandaha laga saaro” Guddomiye Cirro

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahana guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay taageerto xeerka golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa ee laga saaray ajandaha iyada oo xukuumaddu hore ay golaha ugu eedaysay inay samayn waayeen xeerkii lagu soo dooran lahaa.

waxa uu Cabdiraxmaan Cirro ka digay in la siyaasadeedyo xeerka lagu soo dooranaayo golaha wakiilada oo doorashooyinku ay u baahan yihiin waxaanu sidan ka sheegay madaarka Hargeysa isaga oo ka soo laabatay safar uu ku tagay dalka Itoobiya  “Waxaad ka war qabteen In xukuumadu ay aniga oo guddoomiyaha wakiilada ah ay igu eedeysay eolahana ku eedeysay In xeerkii lagu dooranayey golaha wakiilada Uu gudoomiyihu la daahay xukuumaduna laba isku heli meyso xeerkii baa lala daahay  Iyo In ay tidhaahdo waxaan ku faraxsanahay In ajandaha laga saaro,waxaana ay  taasi ku tusineysaa in xeerka la siyaasadeynaayo waxaana aanu xukuumada ugu digeynaa In xeerkaasi Aan la siyaasadayn.

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“XIldhibaanad gobalka Awdal waxaan u sheegayaa xaq bey u leeyahiin dareenka shacbigooda in ay muujiyaan waanan ku taagersanahay horana waxaan ugu soo jeediyey In ay xalka qeyb ka koqdaan xal kasta Oo rintaas lagu xalinaya waan soo dhaweenayaa shaqsi ahaan,gole ahaan iyo xisbi ahaanba, waxaan jecelahay in saami qaybsi kasta oo arintaas lagu furdaaminaayo aanu qaybka noqonayno.”